Wajaale (AN) Degmadda Tog-wajaale waa magalo xuduudeed waana magaladda labaad ee ugu wayn Gobolka Gabilay waa xarun ganacsi oo muhiim u ah dawladaha Somaliland iyo Ethiopia, waxana magalada dhexmara doox dhereran kaasi oo magaladda u kala qaybiya labada daamood ee kala raacsan labada wadan.
Laf-dhabarta dhaqaale ee degmadu ku tiirsantay waa Ganacsiga, wax soosarka dalaga Beeraha iyo sidoo kale xoolaha nool oo aan meesha ka maqnayan.
Magaladda wajaale waxa ku taala Sayalad ganacsi oo aad u wayan Xoolaha ugu badan ee lagu kala iibsadaa waa LO, waxana laga keena degaanadada kaladuwan ee Galbeedka
Somaliland iyo sido kale wadanka Ethiopia, Bulshada ku nool Wajaale waa dad isugu jira Ethiopian, iyo Somalilander, Xadaaradda iyo dhaq dhaqaaqa ee ugu wayni waxa uu ka socdaa dadka Ethiopian-ka ah.
Degaanka Tog-wajaale waxa saamayn wayn ku yeeshay dadka Tahriibayaasha ah kuwaasi oo isku waydaarta wajaale wana laba qaybood oo kala ah.
1 -Qaybta kowaad waa dad ka kalayimi degaanada kala duwan ee Soomaalida kunasii jeeda xaga wadanka Ethiooia, Iyaga oo sii beegsanaya wadamadda ka shisheeya ee loga sii gudbo badwayntamediterranean-ka
2- Iyo qaybta labaad oo ah dad Ethiopian-ah kuna socda xaga kuwa kale ka imanayaan ee Somaliland iyaga oo halkasina uga sii gudaba degaanadda xeebta ee loga boxo wadanka Yemen ugu danbayna beegsada wadanka Sucuudiga. Lacagta ugu badan ee laga
isticmaalo wajaale waxana lagu kala iibsadaa waa lacagta BIRTA, Ee Ethiopia taasi oo magaladda kaga qiima badan lacagta Somaliland Shilin-ka wakhti aan sidaasi u fogayn oo aan ku sugnaa Wajaale hawl-na aan ka qabsanayey mid ka mida xafiisyadda Dawladda ayaa la igu waydiiyay lacag Bira waxan Su’aalay midka mida masuuliyiintii dawladda ee xafiskaasi, Su’aal ahayd “ Adinka oo dawlad ah, lacagna leh maxaad iwaydiin lacag wadan kale ? waxanu ku jawaabay
wajaale meelaha ay sida xooga ah uga shaqayso lacagta Bira Ethiopia ee waxa iaguna lamida magaaloyin waawayn oo dalkeena kamida Sida Boorama, iyo Gabilay, Loona baahan yahay in bulshadeenu sharfto lacagta wadankeena Somaliland kana saraysiyaan lacagaha kale ee wadamadda qalaad sida lacata wadanka Itoobiya iyo ta USA ee Doollar-ka.