Murashax Yuusuf Bare Cismaan Ayaa Beeniyey Warar Sheegay Inuu Is Casilay Isla Markaana Ay Beeshiisu Sharaxatay Xildhibaan Cali Mareexan

0

khadar(3)Musharax Yuusuf Bare Cismaan Oo Maanta Waraysi Gara Siyay Qaar Kamida Warbaahinta Madaxa banana ee Somaliland Ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamye warar ay warbaahinta qaar baahiyeen oo sheegaya in Xildhibaan Cali Mareexaan Ay Beeshiisu U Igmatay Inuu U Tartamo Jagada Baarlamanka Markii Labaada Waxaana Uu Murashuxu Sheegay Inaan Warkaasi Waxba Ka Jirin Isla Markaana Aanu Sal Iyo Raad Toona Lahayn. Murashaxa Yuusuf Bare Cismaan Waxaa uu Shaaciyey Inaanay Jirin Meel Lagu Kala Saaray Isaga iyo Cali Mareexaan Balse Uu Ay Isagu Beesha Ku Ogtahay Inuu Yahay Murashax Oo Buu Yidhi Taas Oo Uu Deegaanka Ay Beeshu Degto Aan Ka Shaaciyey Waa sida Uu Hadalka U Dhigayee. Waxa Uu Murashaxu Cadeeyey In Wararka Ay Websaitadu Baahiyeen Waxba aanay Ka Jirin Waxaana Uu Yidhi “Waxaan Doonayaa inaan Halkan ka Cadeeyo Inaan Ahayn Musharax Beesha ee u taagan Xildhibaanada Golaha wakiilada Kana Sharaxan Xisbiga Mucaaradka Ah ee wadani,waxaana Leeyahay Xildhibaan Cali Mareexaan Oo Doonaya Inuu Mar kale isa Soo Sharaxo Dib u joogso,Waxa jirta Meel Ninkan Nalagu Kala Saaray. Murashaxu Hadalkiisa Waxa Uu Shaaciyey In ay Beeshu Kaligi U Ogtahay Murashaxnimadiisa Waxaana Uu yidhi ”ilaa Hada Anigaa Lay Aqoonsan Yahay Musharaxa kaliya ee ay leeyihiin reerku,Cid kale oo ila Sharaxan Majirto,waxaanan Ugu Baaqayaa Xildhibaan Cali Mareexaan Inuu Cagaha U dhigo Reerkana Taladooda Maqlo,Musharax Meel uu ku yahay Majirto. Murashaxu Waxa Uu Sheegay In Xildhibaan Cali Mareexaan Dib Ka Shaaciyey Murashax Nimadiisa Waxaana Uu Yidhi .“ Dib Ayuu U shaciyay Inuu Yahay Xildhibaan Taasi Maaha Mid Lala Qaatay Waa Mid Isaga Ku Kooban Shakhsi ahaantiisa, Waxa Aan Hada Cadaynayaa Inaan Anigu Ahay Musharaxa Xildhibaanimo Oo Rasmiya Sida aan Ku Sheegay Deegaanada Aan Dagno” Xildhibaan Cali Mareexaan Ayaa isagu Sida uu sheegay wali ku adkaysanaya inuu yahay Musharaxnimada,waxaana uu sheegay In Aan Wali Lakala Saarin Balse Loo Balan Sanyahay Isagoo Intaasi Raaciyey Inuu Isagu Ka Sharaxan yahay Xisbiga Mucaaradka ee Wadani Isla Markaana Ay Beeshu Ku Ogtahay Sidoo Kale Waxa Uu Murashax Yuusuf Bare Sheegay In Cali Mareexaan Dhankiisa Ay Xukuumadu Dabada Ka Wado.