Maxkamada Caalamiga ICC oo aqoonsatay Dowlada Falastiin

0

Maxkamada caalamiga ah ee Danbiyada Dagaal ayaa aqoonsatay Dowlada Falastiin oo horey loogu aqoonsanaa ismaamul, tilaabadan oo wadada u baneenaysa in Xukuumada Falastiin ay saxiixdo heshiiska kamid noqoshada Maxkamada ICC.

Dowlada Falastiin ayaa laga sugayaa inay saxiixdo heshiiska inay aqbaleyso kamid noqoshada dalalka hoostaga Maxkamada Caalamiga ah ee danbiyada, go’aankaasi oo u fududeyn karta Dowlada Falastiin inay dacwad ka gudbiso xukuumada Isra’iil.

Hay’adaha xaquuqul Insaanka u ololeeya ayaa muddo dadaal ugu jiray in Falastiin xubin ka noqoto dalalka hoostaga ama saxiixay heshiiskii maxkamada caalamiga ah ICC. Si danbiyada ka dhanka ah Falastiiniyiinta loo horgeeyo maxkamada caalamiga

Xukuumada Falastiin ayaan weli saxiixin xubinimada dalalka saxiixay heshiiskii lagu aasaasay maxkamada caalamiga ah ee ICC, arrintan ayuu maamulka Falastiin u isticmaalayey gorgortanka ay kula jiraan Isra’iiliyiinta.

Waxaa jira dalal aan iyagu saxiixin heshiiska maxkamada caalamiga ah ee ICC sida wadamada Maraykanka, China iyo Ruushka oo weli iyagu diidan in maxkamada ICC la horgeeyo muwaadiniintooda.

Israel kama mid ah dalalka saxiixey maxkmadda Caalamiga ah ee ICC

 

 

Arabsiyonews.com

Hargeisa oofice