Hargeysa (AN) Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa Shalay iska dhex-doortay hoggaanka oo ka kooban Guddoomiye, Guddoomiye ku xigeen iyo Afhayeen isla-markaana xilkii kala wareegay guddidii hore doorashooyinka qaranka.
Guddidan cusub ayaa loo doortay Cabdiqaadir Iimaan Warsame, halka Guddoomiye xigeen loo doortay Maxamuud Xasan Wacays, waxaana afhayeenka guddidaasii loo doortay Siciid Cali Muuse.
Munaasibaddan ay xilka kula kala wareegeen Guddidii hore ee koomishanka iyo kan cusub ayaa waxa goob joog ka ahaa saddexda xisbi qaran, xubno ka socda xukuumadda iyo labada aqal ee baarlamaanka.
Afhayeenka komiishanka Qaranka Somaliland, Siciid Cali Muuse ayaa ka war bixiyay qaabka ay u soo doorteen Hoggaanka guddida waxaanu yidhi
“Waxaan rabaa inaan idiin sheego in Guddoomiyaha Komiishanka qaranka ee Cusub uu yahay Cabdiqadir Iimaan Warsame, sidoo kale wax aanu Ku xigeen u dooranay Maxamuud Xasan Wacays, waxaan idiin sheegaya in kuligayo aanu isku raacnay”
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, Musharraxa jagada Madaxweyne Ku-xigeenka UCID, Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde iyo xubno kale oo labadaas Xisbi ka kala socday, ayaa waxay ku tilmaameen inay xubnihii dawladdu soo magacawday oo keliyi isku koobeen xilalka guddiga doorashooyinka. haseyeeshee wadahadal ka dib way ogolaadeen xisbiyadda mucaaradku, sida uu saxaafadda u sheegay Guddoomiye ku xigeenka 1aad Ee Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed “Arrinta Koomishanka Cusub waan soo dhawaynayna waanu la shaqeynaynaa sidii aanu ula shaqeynaynay Komishankii horeba”
Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe oo isaguna markii dambe halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Hoggaanka sida Loo sameyay waad og tihiin, xubnaha Komiishanka waxay ka yimaaddeen saddex meelood, Guurtida, saddexda Xisbi iyo Madaxwaynaha, labada xisbi mucaarid hal hal ayay leeyihiin, markaa waanu iska ogalaanay (Habka loo doortay Hoggaanka Komiishanka), balse habka loo sameyay hogdaanka dareen baanu ka qabnaa, haddii ILAAHAY yidhaahdana dareenka aanu ka qabno waxaanu jecel nahay inaanu u gudubino Koomishanka”
Xoghayaha guud ee xisbiga UCID, ayaa isaguna yidhi “Wax dareen ah oo aan ka qabno ma jirto waanu soo dhaweenayna, laakiin waxaanu dareemaynaa qaabka loo sameeyay hoggaanka oo saluug nagaga jiro