Dowlada Yemen ayaa shaacisay in Sabtidii lasoo dhaafay ay 70 qof oo tahriibayaal ah ku dhinteen dooni ku degtay xeebta dalka Yemen
Saraakiisha dowlada Yemen ayaa sheegay in doonidan degtay ay saarnaayeen tahriibayaal intooda badan u dhashay dalka Itoobiya, waxaana laga warhelay doonidan degtay maalinimadii Axadii.
Doonidan ayaa ku degtay meel ku beegan xeebta magaalada Al Makha ee koonfurta Yemen, xili ay dhacayeen dabaylo xoogbadan.
Tirada dadka Tahriibta ah ee ku dhinta xeebaha dalka Yemen ayaa hoos u dhacay sanadihii lasoo dhaafay tan iyo intii la bilaabay ololaha kahortagida tahriibta.
Dowlada Puntland ayaa todobaadkan soo bandhigtay dad ay ku qabqabatay tahriibta isla markaana sheegtay inay kumanaan Itoobiyaan ah oo tahriib u socday dalkooda dib loogu ceshay.
Arabsiyonews.com
Sanca office








