Koox Islaami ah oo dad badan ku dishay xuduuda Uganda iyo Congo

0

Maleeshiyaad hubeysan oo weerar u qaaday magaalada Beni ee ku taal waqooyiga Congo ayaa dilay dad gaaraya 36 qof, isla markaana dhaawacay tiro intaas ka badan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in weerarkan ay ka danbeeyaan kooxo ka yimid Ugandha oo muslimiin ah sida ay sheegayaan dadka ku dhaqan deegaankaasi.

Tan iyo sanadihii sagaashameeyaha ayey xaduuda u dhaxeysa dalalka Congo iyo Ugandha dagaalo ka wadeen koox lagu magacaabo ADF-NALU oo maleeshiyaad muslimiin ah.

Kooxda ADF-NALU ee Islaamiga ah ayaa la sheegay in ay gacansaar wada sameysteen kooxda Al Shabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya.

Arabsiyonews.com
Kampala office