Hargeysa (AN) Afhayeenka Salaadiinta Somaliland Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiiray, ayaa Farriimo u diray Suldaan Abibakar Cilmi Wabar oo dhawaan sheegay inaan Gobolada Galbeedka Somaliland ka sii mid ahaanayn Somaliland islamarkaana galay Degaanka Qul-u-jeed ee Gobolka Awdal halkaasi oo la sheegay inuu Maleeshiyo ku Urursaday. Waxa uu sidoo kale farriin u diray Xukumadda Siilaanyo.
Ugu horayn Suldaan Xiiray oo la hadlaya Suldaan Wabar oo madaxdhaqameedka Awdal ka mid ah waxa uu yidhi “Waxaan leeyahay Suldaan Wabar halkani waa Dalkaagii, waa Gurigaagii, waa ciidaadii, waa Hoygaagii oo waa halkii aad ku dhalatay. Waxaan u malaynayaa Somaliland inaynu maanta kala qaybino, kala googayno, kala qaad-qaadno midnaba maaha” ayuu yidhi Suldaan Xiiray.
Suldaan Xiiray oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Suldaanka waxaan leeyahay wixii kasta ee Cabasho ah ee Degaanka iyo dadka iyo Goboladu qabaanba waa in si wanaagsan oo qiimo leh oo sharaf leh looga wada arinsado oo wixii cabasho ah ee jira si fiican Miiska loo soo dhigo ayaan Suldaanka ka codsanayaa”
Dhanka kale waxa uu Xukumadda u soo jeediyay in Gobolada Galbeed ee Somaliland cabashadooda si fiican loo Eego “Xukumadda waxaan waxaan u soo jeedinayaa in Qaddiyada Gobolada Awdal iyo Salal ay si fiican oo sharaf leh ay u eegaan oo mar haddii ay Salaadiintii iyo Odayaashii cabasho soo gudbiyeen in si wanaagsan oo qiimo leh loo Eego, suldaankana waxaan leeyahay arintaas ka noqo Somaliland iyo qarankana xaal sii”
Suldaan Abibakar Wabar ayaa dhawaan hadal ka soo yeedhay waxa uu ku sheegay inaanay dadka uu hogaanka dhaqanka u yahay ka sii mid ahaan Karin Soka maliland, isagoo ku doodayay in la dhegaysan waayay Cabashada Bulshada iyo Odayaasha reer Awdal soo jeediyeen.
Waxgarad iyo madaxdhaqameed reer Awdal ah ayaa tilmaamay in fikirkaasi gooni u yahay Suldaankaasi oo u ahaan jiray Qurbe joog, kana yimid Dalka Maraykanka
Arabsiyo News
Hargysa Office









