Maxkamda Ciidama Qalabka sida ee Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gaba gabaysay dacwad u socotay 7 ruux oo ka tirsanaa askata ciidanka, Askartan ayaa lagu helay dambiyo la xiriira dil iyo jidgooyooyin ay dhigteen.
7 askari ayaa mid ka mid waxa uu dil ugeystay marxuum la oran jiray Maxamuud Sanbaloolshe oo uu ku dilay bartamaha suuqa Bakaare ee magaalada Muqdisho, halka 6-da kale ay isbaaro sharci daro ah dhigteen wadada aada Deegaanka Al-jasiira.
Maxkamada xukuna soo baxay waxaa saxaafada u soo andhigey Gaashaanle Dhexe Xasan Cismaan Axmed ” Maxkamadda waxaa u cadaatay Dable Bool Cabdullaahi Jiinoow Maxamed in uu 9-6-2014 gudaha suuqa bakaaraha ku dilay marxuum la oran jiray Maxamed Sandhoole Xasan, Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida waxay baabi’isay xukunkii maxkamadda darajada koowaad ee ay horey ugu xukuntay dable Bool Cabdullaahi Jiinoow Maxamed, waxayna dambiilaha ku xukuntay in uu bixiyo boqol halaad oo geel ah oo ah diyadii Marxuumka uu dilay iyo labo sano oo xukun tacsiir ah oo ay uga bilaabaneyso 25/6/2014-ka” ayuu yiri
Sidoo kale Gaanshaale dhexe Xasan Cismaan wuxuu sheegay xukunka ay maxkamadu ku ridey lixda kale ee lagu helay falka isbaarada sharci darada iyagoo isticmaalayey waraaqo been abuur ah oo lacag kaga qaadayeen Gadiidka wadadaa isticmaala.
Dable Bool Abshir Xasan Caddow 20 Sano
Cumar Maxamed Aadan 20 Sano
Dable xoogga Cali Maxamuud Caddow 20 Sano
Abshir Xasan Caddow 20 Sano
Maxamed Cismaan Abiikar 15 Sano
Faarax Muuse Xasan Maxamed 15 Sano
Arabsiyonews.com
Muqdisho office








