Al-shabaab oo 5 qof ku dishay gudaha gobolka Hiiraan

0

Kooxda Al-shabaab ayaa shan rag ah Galankii dambe ee shalay ku dishay Tuulada Baar oo in ka yar 20 Km u jirta Baledweyne, Shantan qof ayaa wararka ka soo baxay dadka deegaanka lagu sheegay in ay raashin ku wadeen gaadiidka dameerka kana soo baxay Baladweyne kuna sii jeeday Tiyoogley oo ka tirsan gobolka Bakool.

Mid ka mida dadka Deegaanka Baar  ku sugan ayaa warbaahinta u sheegay in koox ka tirsan Al-shabaab ay joojisay ragan kana qaaday raashinka ka dib ku diley goobta.

Ilaa hada kama aysan hadlin masuuliyiinta dowladd ee gobolka Hiiraan iyo sidoo kale saraakiisha ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo horay u sheegay in xaqiijiyeen Amniga gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Baledweyne iyo nawaaxigeeda.

Ururka Al-shabaab ayaa horay u balan qaaday in ay go’doominayaan gobolka Bakool iyo magaalada Buulo Berde cidii lagu qabtaa iaydoo raashin u wadana taalo ka qaadi doonaan.

Arabsiyonews.com
Hiiraan office