Madaxweynaha Soomaaliya oo soo dhaweeyey go’aankii Baarlamaanka ee cayrinta xukuumadda

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa soo dhaweeyey go’aanka ay qaateen xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo ay kalsoonida ka gala laabteen xukuumadii Ra’iisal wasaare C/wali Sheekh Axmed, Wuxuu sheegay in go’aankan uu yahay mid ay shaqadooda tahay xildhibaanada in ay ku kala saaraan khilaafka madaxda.
Madaxweynaha waxa uu sheegay in uu u mahadcelinayo dhamaan xildhibaanada Baarlamaanka iyo Gudoonka Baarlamaanka sida ay shaqadan u wajaheen, Isagoo tilmaamay in xalka khilafka uu ku jiray in kalsoonida lagala laabto xukuumadii uu hogaaminayey Ra’iisal wasaare C/wali.

Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu aad uga mahadceliyey Ra’iisal wasaare C/wali muddada ay isla soo shaqeeyeen isagoo xusay in shaqooyin badan oo dowldda u taalay ay qabatay inta ka dhimana laga sugayo xukuumada soo socota.

Dhinaca kale wuxuu sheegay Xasan Shiekh in uu qaadanayo tala soo jeedinta Gudoonka Baarlamaanka ee ahayd in uu si deg deg ah u soo magacaabo Ra’iisal wasaare cusub oo sii wada shaqada Dowladda Federaalka Soomaaliya kana fiirsan doono shakhsiga uu marakan u magacaabayo xilka Ra’iisal wasaaraha.

“Soomaaliya way ka soo gudubtay dagaalkii sokeeye, way ka soo gudubtay fowdadii, way ka soo gudubtay xilligii ay si sahlan u kala daadan kartay, maanta waxa ay maraysaa meel ay hay’adaheeda dowladnimda ay si buuxdo u shaqeynayaan, guddoonka baarlamaanka iyo Xidlhibaanada waxa ay muujiyeen dul qaad, karti dheeri ah iyo in ay aaminsanyihiin xalinta mushaakilaadkooda, waa dhab in lakala aragti duwanaaday ” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Maanta ayaa codka kalsoonida xildhibaanada ay kala laabteen xukuumadii uu hogaaminayey Ra’iisal Wasaare C/wali Sheekh oo hada ah kusimaha xilka Ra’iisal wasaaraha oo haynaya mudda uu xilka kala wareegayo Ra’iisal wasaaraha Cusub, Xilka qaadistan ayaa timid ka dib markii ay soo jiitamaysay muddo ka badan bil khilaaf u dhaxeeya madxweynaha iyo Ra’iisal wasaare C/wali Sh. Axmed.
Arabsiyonews.com
Muqdisho office