Xisbiga Mucaradka Ah Ee Wadani Ayaa Munaasibada Balaadhan U Sameeyaya Siyaasiyiin Iyo Taageerayaal Ku Soo Biiray Xisbigaasi

0

Hargeisa[AN] Xisbiga Mucaradka Ah Ee Wadani Ayaa Munaasibada Balaadhan U Sameeyaya Siyaasiyiin Iyo Taageerayaal Ku Soo Biiray Xisbigaasi

Xisbiga Mucaaradka ah ee wadani Ayaa Maanta Tageerayaal Mug leh ku Soo dhaweeyey Magaalada Hargaysa,tageerayaasha is Badal Doonka Ah Ayaa waxa ay Ka soo Diga Rogteen Xisbiyada Ucid ,Kulmiye iyo Siyaasiyiin Kale oo Dalka Magac Ku Leh.
Munaasibad Aad U Balaadhan oo Hargaysa Loogu Sameeyey Ayaa waxa kasoo Qayb galay Guddoomiyah Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro,Cabdiraxmaan Yuusug Ducaale Boobe oo Ka mid Ah Masuuliinta Xisbiga Wadani,Xog-hayaha Guud Iyo Marti Sharaf Aad u Badan.

Ugu Horayn Munaasibada Ayaa waxa Ka hadlay Guddoomiye ku xigeenkii Hore ee Kumiishanka Doorashooyinka Md. Cali-Khadar Xasan Cismaan oo sheegay Inuu Si Rasmi
ah Ugu Biirayb Xisbiga Wadani waxaana uu yidhi.
“intii Aan kumiishanka Doorashooyinka ku jiray waxaan Indho-indhaynayay Ciid Aan ku Biiri Lahaa,Markaas Waxaan Go’aansaday Inaan ku Biiri Xisbiga Wadani Markii Aan Arkay Cadaalada Darada Xukuumada Maanta Talada dalka Haysa Hadheeyey,Miyaad Argteen Nin Lagu yidhi Markaanu Aragnay Inaad Madhan Tahay Oo Aanad Xilka Hanankarin Xilkii Waanu Kaa Qaadnay Hadan Lagu Soo Celiyay,Waa Cadooyinka Xukuumada Maanta Taalada Dalka Haysa.

Guddoomiye xigeenkii gudidii doorashada ee hore Md. Cali-Khadar Xasan Cismaan oo Hadalkiisa Siiwata Ayaa Intaas Raaciyay.
“Waxaan Doonayaa Inaan Hadal Dar-daaran Ah Halkan Uga Diro Madaxwaynaha somaliland,Waanu ku jecel-nahay Nin Wayn Ayaad Tahay,Nin Da’ah Ayaad tahay,Xaalado Ayaa yimid Madaxwayne Waxaad u Baahan tahay inaad Nasato,Si Aanu Magacaagu Hoosta u Galin,Mandeela Madaxwayne Siilaanyo Meel Ayuu ka Shabahaa Lakiin waxa uu Noqon Karaan Hadii uu Xilka Ka Dago.

Faadumo Siciid Oo Hore u Ahaan Jirtay Xog-hayaha Maaliyada ee Xisbiga Ucid oo Iyadu Ku Biirtay Maanta Xisbiga Ayaa ka hadashay Sababaha Ku Kalifay in ay ku biirto waxaana ay tidh.
“Anigu Cabdiraxmaan Umaan Raacin Wax kale Waa inadeerkay Guud,Nin Ciise Muuse Ahna Maaha,Waxaan u Raacay inaan Muj-tamaca Somaliland Tuso inaanan U Raacin Qab-yaalad Taasina waata Xisbiga Kulmiye Ragaadisay,Anigu waxaan Ahay isbadal Doon Mayihi Qabyaalada Doon,Anigu waxaan Doonayaa wadan Cadaalad ku dhisan,Madoonayo Wadan Habeenka Madaw Dumarka Iyo Caruurta Loo Daato,

Faadumo Siciid Oo Hadalkeeda Siiwadata Ayaa intaas waxa ay ku dartay.”Xukuumadu waxa ay leedahay Doorasho Ayaa la galayaa,Yaa Musharax Marka hore Xisbiga Kulmiye U Ah,Wadani Cabdiraxmaan Ciro Ayaa u ah Xisbiga Ucidna Jamaal Yaanu La tartanaa ee Doorasho Nala Galaya Anigu wali Waan Yaabanay,Anigu Adeerka Siilaanyo ee Marna Ah Seedigay Talo waan kala Daalay.

Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi Xamarji oo isna Kulan kaasi Ka hadlay Ayaa soo dhaweeyey Tageerayaasha kusoo Biiray Xisbiga Wadani waxaana uu yidh.
“Wax Badan oo xukuumadu Qabatay Way-jiraan Lakiin waxa Bar-bar Socda Shan Laabkeeda oo Khalad Ah,hortu Hogaanka Dalka yaa Haya ayaa lagu Cel-celiyaa Runta Aan idiin sheegee Madaxwayne Majiro Lakiin Madaxtooyo Ayaa jirta,Waxaanan Baaq u dirayaa Tageerayaasha Xisbiga Wadani iyo Kuwa kaleba waxaan leeyahay Balanteenu waa Wadani.

Sidoo kale Masuuliyiintii Lasoo dhawaynayay oo ay ka Mid ahayeen Dhalinyaro siyaasiiyiin Kasoo Kala Jeeda Magaalooyinka Hargaysa iyo Saaxil Ayaa waxa ka mid ahaa Degmooyinka 26tanka Juun,Ururka Sheekh Madar,Ururka Dhalinyarada Almis,Ururka Haweenka Duniya,Somaliland Organization Girls iyo Siyaasiyiin Magac Dalka ku leh,Waxaan ay dhamaantood Cadeyeen in ay Tageeradooda ku Mideyeen Xisbiga Wadani.

Boobe yuusuf Ducaale oo ka Mid Ah Maasuuliyiinta Sar-sare Ee Xisbiga Wadani oo isna Munaasibada ka Hadlay Ayaa sheegay.
“Xukuumada Maanta Talada Dalka Haysaa Waxa ay Nagu Wareerisay Guulaha Aanu Gaadhno Masheegtaa,Daraad Madaxwaynaha Somaliland waxa uu xadhiga ka Jarya Daar Qurux Badan oo loo Dhisay Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland,Dadka waxa ay is waydiinayaa Maxaa Lagu qabtaa,Telefoonada waa Gaar,Internaydki Guri walba wuu Yaal is gaadhsiinta waa Bareefada Rag leeyihiin,Markaas wasaarada Boosahu maxay Qabataa,Xukuumada waxaanu Wax qabad U Qiri Doonaa Marka ay la timaad Wax bil Aadan Galay.

Gaba-Gabadii waxa munaasibadaas Soo Afmeeray Guddoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) waxaana uu sheegay inuu Gacmo Furan Ku Soo dhawaynayo Tageerayaasha siyaasiyiinta Ururada iyo Aqoon Yahanka Ku Soo Biiray Xisbiga waxaana uu yidhi.

“Walaalayaal Wadankeena Ilaahay waxa uu inoogu Nimceeyey Nabad,Wadanka Waxa Ka masuul Ah Xukuumada,Lakiin Kuligeen Xil ayaa inaga Saaran In aynu ilaalino Nabad Galiyada Dalka Somaliland,Nabad Galiyadu waa Baadi Sooca Ay Somaliland Kaga Duwan Tahay dalka Somaliya,Dalalka Aynu Jaarka Nahay Waxaan leeyahay Aynu kuwada Noolaano Jaar wanaag Kuwa leh Somaliland Ayaanu ku Soo Duulaynaa Waxaan Leeyahay Siyaasadaydu waxa weeyaan Nabada,Tageerayaasha ku Soo Biirayna waan ku Soo dhawaynayaa Xisbiga Wadani.

Arabsiyonews.com
Hargeisa office