Muqdisho: Laba askeri iyo hal qof oo al-Shabaab ah ayaa goob fagaare ah lagu toogtey

0

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa Khamiista maanta ah dil toogasho ah ku fulisey saddex qof oo horey Maxkamaddu u xukuntey.

Saddexda qof ee goobta fagaaraha ah lagu toogtey ayaa labo kamid ah ay ka tirsanaayeen ciidanka halka qofka kale lagu sheegey in uu xubin ka ahaa ururka al-Shabaab.

Qofka ka tirsanaa al-Shabaab oo magiciisa lagu sheegay Ibraahim Cabdulaahi Cali ayaa la sheegey in uu diley filim qaade Zakariye maxamed Maxamuud.

Labada askeri ee iyagana dilka lagu fuliyey ayaa horey u diley labo muwaadin oo lagu kala magacaabo Maxamuud Xasan Maxamed, Axmed Cabdiraxmaan Shariif.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa dilal badan oo toogasho ah sanadkan fulisey, waxaana hay’adaha xuquuda aadanuhu ku eedeeyeen in dilal badan oo la fuliyey aan loo marin sifo sharci ah.

Arabsiyonews.com
Muqdisho oofice