Barlamaan_france2014
Baarlamaanka France ayaa talaadadii shalay u codeeyey in la aqoonsado Dowlada Falastiin.
Advertisements
Codbixinta ka dhacday Baarlamaanka France ayaa ah mid daba socota taageerada dalalka Yurub u muujinayaan xiligan aqoonsiga dowlada Falastiin.
Horey ayey Baarlamaanada dalalka Ingiriiska, Spain, Ireland ugu codeeyeen aqoonsiga Dalka Falastiin.
Balse aqoonsiga kama danbeysta ah ayaa laga sugayaa xukuumada oo ah mida sharciyan bixin karta aqoonsiga rasmiga ah.
Dowlada Sweden ayaa noqotay wadankii ugu horeeyey ee Reer Galbeedka ee ku dhawaaqa Aqoonsiga Wadanka madax banaan ee Falastiin.
Dhinaca kale Xisbiyada ku mideysan Xukuumada Belguim ayaa ku heshiiyey inay aqoonsadaan Falastiin, waxaana lagu wadaa in dhawaan Baarlamaanka Belguim isagana loo gudbiyo mooshin lagu taageerayo Aqoonsiga wadanka Falastiin.
Dhaq dhaqaaqa taageerada Falastiin ee ka socda dalalka Midowga Yurub ayaa waxaa si weyn walaac uga muujiyey maamulka Isra’iil oo ku tilmaamay go’aan caqabad ku noqon doona waan waantii nabada.
Isra’iil ayaa horey uga dhaadhicisay dalal badan oo reer Galbeed ah inaan dal gaar ah loo aqoonsan Falastiin, maadaama ay taasi keeni karto in Falastiiniyiinta go’aano adag ka istaagaan wadahadalka ay kula jiraan Isra’iil.
Balse xasuuqa sii socda iyo natiijo la’aanta wadahadalkii uu garwadeenka ka ahaa Maraykanka ayaa keentay in dalalka Midowga Yurub xiligan ay qaataan go’aan lagu taageerayo Falastiin.
Arabsiyonews.com
Hargeisa office








