Hay’ada Danbi baarista Maraykanka ee FBI ayaa digniin ay soo saartay u sheegtay in dhamaan Askarta Maraykanka ee ku sugan dibada iyo gudaha Maraykanka ay ka fiirsadaan isticmaalka Facebook, Twitter iyo goobaha kale ee internetka.
Digniintan ayaa la sheegay in ay la xariirta cabsi laga qabo kooxda ISIS oo la sheegay inay baadi-goobayaan xubno fuliya weeraro ka dhan ah Askarta iyo militariga Maraykanka.
FBI ayaa kula talisay askarta inaysan xog badan la qeybsan dadka ay kuwada xariiraan baraha internetka ee dadka kuwada xariiraan, si markaasi loo xakameeyo kooxda ISIS iyo qorshaheeda ay ku dooneyso inay ku waxyeelayso militariga Maraykanka.
Wasaarada Gaashaandhiga Maraykanka ee Pentagon ayaa sheegay in 2 asbuuc kahor dhamaan Askarta Maraykanka digniin noocaan ah la siiyey, wasaarada ayaa sheegtay inaysan hada jirin xog horleh oo laga helay qorshaha ISIS ee ku aadan weeraro lagu qaado militariga Maraykanka.
Arabsiyonews.com
Washiton office








