”waxaan ushaqeeya 11 carrur ah oo aan ugu waynahay aabahayna manoola hooyadayna”Gabadh ku shaqaysata Balashaynta kabaha

0

Hargaysa(AN)Suuqyada magaalda Hargaysa ayaa markii ugu horaysay lagu arkay hablo aad uda’yar oo ku shaqaysanaya kaba casayn ama qofba sida uu yaqaanee baalasha

balash
dhacdadan ayaa .shabakada Arabsiyonews maanta kula kulantay fagaaaraha magaalada Hargaysa hablo da’ ahaan qiyaastii aan ka waynayn 10 ilaa 12 sano.hablahan oo xiligan aan la kulanay ku hawlanaa shaqadan ku cusub gabdhahaha

waxayna ku dhex jireen wiilal kale oo iyaguna ka shaqeeya kabo baalashaynta  waxaana  noo suurto gashay in aan wax ka waydiin shaqadan cusub ee ku ugubka gabdhaha  waxaana na dhexmaray labada gabdhood oo lakala yidhaado Xamda iyo Rooda

20141201_104410

Xamda oo ahayd da,ahaan gabadha wayn ayaa waxaanu wax ka waydiinay  shaqadan cusb in ay ku Faraxsan tahay

”runtii shaqadan waan ku faraxsanah magaaldana waan ka shaqaystaa dadkuna awaa ay na eegaan laakiin waa iska caadi oo sida inamada oo kale ayaan kabaha baalashaynaa,maydhnaa dadkuna badanaa wa ay nasoo dhaweeyaan  waxa kale o jira qaar nala yaaba oo nagu yidhaa orda oo xafadihiinii taga gabdhaad tihiine ” ayaa ay tidhi Xamda

waxa kale oo aan wax ka waydiinay in shaqadan cusb ee baalashka gabdhaha ay ka soo gaadho hadimooyin bini aadanimo ,waxxaanay tidhi

”Waxaa dhacda marka aan kabaha Baalashaynayno in ay nadilaan inamada kale ee baalashka ka shaqeeya mar marna  qofka aan kabaha ubaalashaynayno ayaa noo diida lacagta oo nagu yidhaa naa ordo magaalda gala shaqadana maad soo gasheen ,dhibaha kale ee naqbsadaa mayara waxaa noogu darnayd habeen habeenada kamid ah oo naga dhamaatay shaqadii kabo cassayntu oo aanu ku socono xafadii ayaa waxaa lacagtii yarayd ee maalintii odhan aan shaqaynay naga qaadeen tuugtaasin cid kale may ahayn ee waxay ahaayeen qaar waawayn oo baaburta maydha oo maalintii oodhan nagarab jooga”20141201_104428

Waxa kale oo gabdhahan aadka u yaryari ka sheeekeyeen sabata ay usoo galeen shaqadan iyo siday ugu soo dhiiradeen

”waxaan ushaqeynaa 11 carrur ah oo aan ugu waynahay aabahayna manoola hooyadayna meelahaa wadooyinka ayay xaadhxaadhaa markaa waxaan ushaqeeyaa xafadayada waxaana shaqadan i baray kuyar oo xafada jaarkayaga  gala kaas ayaan soo raac raaci jiray imikana anaaba ku shaqaysta”

hadab dhacdadan ayaa ah mid ku ugub ah S/land i iyadoo shaqadan ay hore uga shaqayn jireen Wiilal laakin waxaad dareemaysaa dhacdani in  ay tahay mid xanuun badan oo qofkastaaba dareemayao gabdho yaryar oo suuqyada  ku baalshaynaya iyagoo  aan maanta da,aahaan garaad koodu ku filayn

Arabsiyonews.com

Hargaysa Desk