Hargaysa(AN)Shirkaddae Dahabshiil ayaa markii u horeysey furtey Baanka Ganacsiga ee Dahabshiil, kaas oo xaruntiisu tahay badhtamaha magaalada Hargeysa. Waxaana xafladdii furtaanka xadhig ka jarida kasoo qayb galay Ā madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.Xubna ka tirsan Golaha Wasiirada ,labada gole ee Guurtida iyo Wakiilada Asxaabta qaranka,madaxx dhaqameed , Ā Masuuliyiin ,iyo Ganacsato aad utiro badan
Dhismaha Baanka Ganacsiga ee Dahabshiil ayaa ah mid aad u bilicsan, kana kooban 7 dabaq, loona dhisey qaab casri ah.sidoo kalena noqonaya sarta ugu dheer Somaliland
ayaa xafladaas waxaa kahadlay Gudoomiyaha Ā Dahabshiil Group Ā C/rashiid Siciid Dahabshiil waxaanu ka hadlay maraaxiladii kala duwanaa ee uu soo maray dhismahan
Cabdirashiid Siciid Duacaale ayaa sidoo kale Ā sheegey in dhismaha Baanka Ganacsi uu qaatey muddo 7 sano ah, waxaana ku baxay adduun dhan 12 Malyuun o dollarka Maraykanka ah, waxaana dhistey shirkad waddani ah.
Dhismahan weyn ayaa la isgu keeney qaybo badan oo ka mid ah Dahabshiil.
Sida uu sheegey Cabdirashiid Siciid Ducaale oo ah maamulaha shirkadda Dahabshiil, waxaa baanku bixin doonaa Kaararka wax lagu deymeysan karo sida MasterCard, sidoo kale waxa uu maalgelin doonaa ganacsatada yar-yar iyada oo la siin doono lacago deymo ah oo ay ku shaqo bilaabaan.
Arabsiyonews.net
Hargaysa Desk
















































