Rabshado ka dhacaya dalka Maraykanka

0

  Arabsiyon.net   Dareen caro leh, ayaa ka dhashay go’aankii xeerbeegtida gobolka Missouri ee dalkla Maraykanka oo go’aamiyay in aan dacwad lagu soo oogin askarigii cadaanka ahaa ee dilay wiilka yar ee madawga ah.

Madaxa boolkiiska ee St Louis, Jon Belmar, ayaa sheegay in Ferguson ay ka dhaceen dibadbaxyadii ugu darnaa tan iyo markii wiilkaasi la dilay bishii August ee sanadkii hore.

Wuxuu sheegay in booliisku ay dibad-baxayaasha kala kulmeen rasaas badan.

Dukaamadii, ayaa la boobay gawaaridii iyo dhismayaashiina dab ayaa la qabadsiiyay.

Dibad baxayaashu waxaa kale oo ay booliiska ku tuureen dhagxaan iyo dhalooyin.

Booliiska, ayaa xiray ugu yaraan 29 qof, iyagoo adeegsanaya gawaari qafilan, waxayna dadka ku ridayeen sunta dadka ka ilmaysa.