War deg dega Dhul gariir xoogan oo laga dareemay Gobolada galbeedka S/land iyo Xaalada cabsi ee la soo daristay dadka ku dhaqan

0

Boorama(AN):- Dhul-gariir lagu soo warramayo inuu xooggan yahay, ayaa laga dareemay magaalada Boorama ee xaurnta gobolka Awdal abbaaro 10-kii oo tobaneeyo daqiiqo dhiman ee caawa, waxaanu argaggaxa ku abuuray badi dadweynaha ku dhaqan magaaladaas oo ah meesha inta badan dhulka Somaliland dhul-gariirka lagu arko.

bth_Breaking-News

Sidoo kale, Wararka ay Hilaacmedia ka helayso Wajaale iyo Gabiley, ayaa sheegaya in iyagana laga dareemay dhul-gariirka ka dhacay Boorama, kaasoo aad uga fududaa heerka ka laga dareemay Magaalada Boorama.

Dhul-gariir Xoogan ayaa caawa abaaro 90:45-habeenimo ka dhacay magaalo xuduudeeda Tog-Wajaale oo ka tirsan Gobolka Gabiley, kaas oo watay guux sida baabuurka oo kale ah. Shacab-weynaha ku dhaqan Magaalada Wajaale ayaa waxa la soo daristay cabsi,kadib markii alaabtii dukaamada iyo meheraduhu luxmeen.

Weriyeyaal iyo dad ku sugan Boorama, ayaa Hilaacmedia u sheegay  inuu dareenka dhul-gariirkaasi ahaa mid xooggan oo argaggax ku riday dad badan oo Guryaha dibedda uga soo booday xilli ay dadka waayeelka iyo carruurta qaarkood hurdeen-ba.

Sidoo kale, dad ku sugan magaalooyinka Wajaale iyo Gabiley ee gobolka Gabiley, ayaa Hilaac u sheegay inay dareen fudud ay dareemeen dhul-gariirkaas, inkasta oo ay sheegeen inaanu jirin wax khasaare ah oo ka dhashay dhul-gariirka Boorama iyo dhaq-dhaqaaqa fudud ee Wajaale iyo Gabiley laga dareemay toona.

Xigasho Hilaacmedia.com.