Daawo Muuqaal Cabsi ka bilaabatay dalka Holland iyo Digaag aad u fara badan oo la laayay !!

0

Amesterdam(AN)Dalka Holland waxaa gebi ahaanba maalmo kooban si toos ah loo joojiyay ka ganacsiga hilibka Digaaga iyo sidoo kale Ukunta Digaaga. In ka badan 150.000 oo Digaag ah ayaa la dilay waxaana amarkaas ku dhawaaqday dowlada Holland. Digaagaan ayaa waxaa laga helay cudur halis ah gaar ahaan (Hargabka Shimbiraha) waxaana looga cabsi qabay in cudurkaan uu gaaro ama ku faafo shacabka dalka Holland oo aad u isticmaalo hilibka Digaaga iyo Ukuntiisaba .