Arabsiyo(AN) waxa maanta magaalada Arabsiyo laga furay xarun cusub oo caafimaad taas oo dadka lagu dawayn doono dawo dhaqameed (Herbal) ,xaruntan oo lagu magaacaabo SINAI HEBAL &NEUTRATION CLINIC
waxaana Xaruntan lagu daawayn doonaa dhamaan Xanuunada Guud ,goobtan ayaa noqonaysa mid ku cusub Deg Arabsiyo
waxaana ka warbixyey Mulkiilaha Xaruntan cusub SINAI HEBAL
Mrs Sinai waxaanay ka sheekaysay maraaxiladii kala duwanaa ee uu soo maray goobtan caafimaad ee ay ka hirgalisay magaala Arabsiyo waxaanay xustay in xaruntani aanay ahayn tii ugu horaysay ee ay ka hirgaliyaan S/land
waxaanay carabka ku dhufatay in mid noocan oo kale ah ay ka furan tahay Magaalada Gabiley
waxaanay Mrs Sinai ugu bushaaraysay dadwaynaha ku dhaqan magaalda Arabsiyo in xaruntan caafimaad lagu daawayn doono dawo dhaqameed taas oo laga dayn doono xanuuno badan oo ay kamid yihiin (Gaastariga,Suuxdinta,Xanuunada Maskaxda ku dhaca I.W.M)
Xaruntan cusub ee laga hirgaliyey Arabsiyo ayaa xarumo kuleh dalka Kenya ayaafadhigiisu yahay companygan Caafimaad
Isku soo wada duuboo Xaruntan Caafimaad ee maanta laga furay Arabsiyo ayaa noqonaynaysa xuruntii ugu horaysay ee ajaanib ah ee ka hirgalisa magaaladaas xili magaalada Arabsiyo aanay lahayn haba yaaraatee Cisbital caafimaad ,waxa xusid mudan in magaaldan uu ku yaal MCH kaas oo si wayn ula shaqeeya hooyada iyo dhalaanka iyo goobo caafimaad (Pharmacy) ku waas oo ah fara ku tiris
Goobahaas ayaan la odhan karin waxay kaafiyi karaan baahiyaha caafimaad ee bulshada ku dhaqan magaalda Arabsiyo oo tira ahaan lagu qiyaaso in kabada Labaatan kun (20,000) qof waxaana dadka caafimaad ahaan utagaan magaalooyinka Hargaysa iyo Gabiley
Waxa kale oo meesha ka madhnayn Cisbitaal mudo lagu yaboohay kaas oo lagaga tagay qabyo mudo lagu qiyaasay Todoba sano ahaa qabyo
ilaahadana macada waxa loogu talagalay dhismahaas iyo bulshada ku dhaqan magaaldaasi ilaa inta ay ka arad naan doonaan adeegyada Caafimaadka
iyadoo sidoo kale lo odhan karo marnaba wasaarada Caafimaadka in dheheegu may qaban baahiyaha caafimaad ee ka jira Magaalda Arabsiyo
goobtan maanta la furayn uma muuqato mid wax badan ka tari karta baahida caafimaad ee dul hoganaysa Arabsiyo marka loo eego baahida loo qabo Cisbitaal guud oo laga yagleelo Arabsiyo
Arabsiyonews.com
Arabsiyo Office
Muuse Xuseen Xasan








