Muqdisho(AN) Ergayga QM ee dalka Somalia, danjire Nicholas Kay ayaa ugu baaqay madaxda dowladda inay ka heshiiyaan khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya, isagoo hadalkan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay kulan ku saabsan Hiigsiga Cusub ee Somalia oo maalin ka hor ka dhacay Muqdisho.
Danjire Kay ayaa yidhi. “Anigoo ku hadlaya magaca Qaramada Midoobay iyo saaxiibbada caalamka ee hawsha nala wadaagaya ee halkan nala jooga maanta, waxaan ugu baaqayaa hoggaanka siyaasadda Somalia inay helaan hab ay ku maareeyaan khilaafkooda. Xilliga aan joogno ma aha waqti caadi ah. Waxaan u baahannahay in la qaado tallaabooyin aan caadi ahayn. Lixda bilood ee soo socota ayaa xadidi doonta in Somalia ay gaadhay yoolka ay ku bartilmaameedsanayso aragtida 2016-ka. Waxaana loo baahan yahay in la sameeyo xeerarka, guddiyada iyo geeddi-socodka ugu waaweyn ee dowlad-dhisidda. Tani waa mid nolol iyo geeri u dhexeysa. Mana jirto waqti dheer oo la iska lumiyo.”
Ergayga ayaa hadalkiisa ku daray. “waxaan ugu baaqayaa madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha inay ballan-qaadaan inay si wadajir ah caqabadahan uga wada-shaqeeyaan sidii ay uga gudbi lahaayeen, iyagoo raacaya hanaan wada-shaqayn siyaasadeed ah oo habeysan. Waqtigan ma ahan waqti lagu murmo fasiraadda qoraallada buugaagta iyo xeerarka, balse waa waqtigii la illoobi lahaa khilaafaadka loona midoobi lahaa hawl iyo waxqabad wadajir ah. Waa in la garowsadaa xaqiiqada siyaasadda iyo hab-qoraalka dastuurka intaba.”
Arabsiyonews.com
Muqdisho Office








