Klopp oo sharraxay sababihii keenay guuldarradii ay Liverpool kala kulantay kooxda Watford

0

Macalinka kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jürgen Klopp ayaa sharaxay sababihii keenay in Reds ay guuldarro kala kulanto naadiga Watford, kulankii xalay ee horyaalka Premier League.

Rikoodhkii guuldarro la’aanta ahaa ee Liverpool ayaa xalay lasoo afjaray, kaddib markii ay guuldarro 3-0 ah kala soo kulantay kooxda Watford oo ay ku booqatay garoonka Vicarage Road, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.

Liverpool ayaan la kulmin wax guuldarro ah horyaalka Premier League tan iyo bishii Janaayo ee 2019, waxayna hadda u muuqataa in Klopp iyo wiilashiisa looga baahan yahay qabashada shaqo adag, kahor inta aan la gaarin kulanka lugta labaad wareega 16-ka Champions League ay la ciyaarayaan Atletico Madrid.

Haddaba tababare Jürgen Klopp ayaa la hadlay warbaahinta kaddib markii uu soo idlaaday kulankii ay guuldarrada ka soo gaartay xalay kooxda Watford wuxuuna yiri:

“Waxyaabo badan ayaa si cad u muuqda, ma aanannaan abuurin fursado bar-tilmaameed cad ah ee nagu filan, si aan u dhibaateyno kooxda adkeyd ee naga soo horjeeday”.

“Waxay sameeyeen dhab ahaantii wixii ay rabeen inay sameeyaan. Tani waa sida kubadda cagta ay u shaqeyso”.

“Waa inaad aqbasho guuldarada, ma ahan wax aad u sahlan, laakiin waxay cadeyn u tahay inaanan fiicneyn caawa” ayuu yiri tababare Jürgen Klopp.