Arsenal oo farriin u dirtay Liverpool kaddib markii ay ku guuldarreysatay inay bar-barayso rikoodhkii Arsène Wenger

0

Nin dhibkiis waa nin kale dhiiftiise… kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa heshay war wanaagsan oo kaga yimid garoonka Vicarage Road, kaddib markii ay Liverpool guuldarradii ugu horreysay xilli ciyaareedkan ee horyaalka Premier League kaga soo gaartay kooxda Watford, si uu u sii jiro rikoodhkii taariikhiga ahaa ee Arsène Wenger kaga yiilay naadiga Gunners.

Arsenal ayaa mar uun jeclaan laheyd in Liverpool ay la kulanto guuldarro kahor dhamaadka xilli ciyaareedka ee horyaalka Premier League, si rikoodhka Arsène Wenger uu u sii nagaado, kaasoo ahaa in kooxda Arsenal uu ku hoggaamiyay ku guuleysiga koobka Premier League xilli ciyaareedkii 2003-2004, iyagoo aan wax guuldarro ah la kulmin, waxaana wali la la’ayahay koox soo barbareysa rikoodhkan.

Rikoodhkii guuldarro la’aanta ahaa ee Liverpool ayaa xalay lasoo afjaray, kaddib markii ay guuldarro 3-0 ah kala soo kulantay kooxda Watford oo ay ku booqatay garoonka Vicarage Road, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.

Kaddib isbuuc adag oo ay kooxda Arsenal ku noolayd kaddib markii ay isaga soo hareen tartanka UEFA Europa League, waxaa soo gaaray war wanaagsan, kaasoo ah guuldarradii xalay soo gaartay kooxda Liverpool.

Haddaba kooxda ka dhisan Waqooyiga Magaalada London ee Arsenal ayaa waxay boggeeda rasmiga ah ee Twitter-ka ku soo qortay fariin ay u dirtay Liverpool, waxaan qoraalkan lagu yiri:

“Waa idin kugu hambalyeynaynaa muddadii aad guuldarro la’aanta ahaydeen kooxda kubadda cagta Liverpool” ayaa lagu sheegay farriinta qoraalka ay kooxda Arsenal u dirtay Liverpool.