Dhacdo: Naxdin iyo Naadir ah oo Lagu Arkay Xannaanadda Hooyada Iyo Dhalaanka Ee M. Mooge ee Hargeysa Ku Taala
Xannaanadda Caafimaadka ee (MCH) Hooyadda Iyo Dhalaanka Degmadda Maxamed Mooge ee Caasimadda Hargeysa’ ayaa Saaka oo Maalin Khamiisa Taariikhduna ahayd 23/1/2020-ka waxa ka dhacday Dhacdo Naadir iyo Dhif ah in la arko iyada oo kale ama aan laga soo sheegin deegaanadda Somaliland dhacdadaasi oo ah ka dib Markii Haweenay Xannaanada Maxamed Mooge ka mid lahayd Hooyooyinka ama Haweenkii halka loo keenay inay Ku Umulaan kuna Foolanaayey si Xanaanadda ugu Umulaan Ubadka ay Caloosha Ku sideen ayaa Haweenay Dayarayd oo Saygeedu Xanaanaddaasi Keenay si ay ugu Umusho waxay halkaasi Ku umushay 4- Caruura oo ay Mar qudha caloosha Ku wada siday balse nasiib daro sida ay ii Xaqiijiyeen Hawl wadeenadda Caafimaadka ee ka hawla Xannaanada Hooyadani Ku umushay 4 ta Ubadka ahi kumay dhalan nolol ee waxay Ifka Ku yimaadeen iyaga oo Dhintay manay suurto gelin dhakhaatiirta Xannaanada Ku sugnaa inay Badbaadiyaan afartaasi Caruurta ahaa ee maydka Ku dhashay ama xata qaarkood waa la badbaadin kari waayey.
Sida Dhacdadani dadka u xogogaalka ahaa ama shaqaalaha Caafimaadku ii sheegeen waxa la shaagay inay 7-ba Ku dhalow ahaayeen ama ay Hooyadu Uur 7-ba Bilooda Ku dhashay ubadkani aan nasiibka u helin inay nolol Ifka Ku yimaadaan isla markaana sida Naadirka ah ay Hooyadani hal mar 4-ta Iyaga oo ah u wada dhashay.
Sida ay ii sheegeen hawlwadeeno ka mida kuwa ka hawlgala (MCH) ka ay Haweenaydani Ku umushay’ waxa ay markii hore Fooshii Saaka aroornimadii hore Xannaanadda Ku umushay 2-ba Wiil oo aan nolol Ku dhalan ka dibna waxa Caruurtii Mataana ahayd Xannaanadda ka qaaday Aabahood iyo Qoyskiisii oo soo Aasay.
Arinta la yaabka leh ee dhacdadan aan cidina xisaabta Ku darsani ee lama filaanka ahi ay Ku timid Ka dib markii ay Hawl wadeenadii Caafimaadka ee hooyada ka umuliyey labada caruurta ahayd ee Siqiirtay ay mar qudha Ku War heleen inay Isla Hooyadii ay ka umuliyeen hadana Foolanayso Waxaana Dhowr Saacadood oo ay Foolatay Haweenaydii labada Wiil ee ka siqiiray dhay ay mar kale Umushay laba Caruura oo midkood Wiil yahay ka kale uu Gabadh yahay Waxaana mudo saacado yar oo gelinkii hore ee Maanta ahayd ay Hooyo kaliya oo mudo 7-ba Bilooda Uur lahayd ay sida Ku wada u umushay wadar 4 Caruura oo 3 Wiil 1 Gabadh ay tahay.
Aabihii dhalay Caruurtaasi iyo Qoyskiisii oo 2ka soo laabtay 2-dii hore ee Ka siqiiray ayaa hadana mar labaad qaaday 2-dii kale ee Isla hooyadii markii hore ay iyagana dhashay oo aan sidii kuwii hore si la mida nolol Ku dhalan iyada oo sida uu afartiisii Caruurta ahayd ee ka siqiiray Ku soo Bud dhigay Aabihii dhalay Caruurtaasi iyo qoyskiisu.
Sida uu ii xaqiijiyey mid ka mida Shaqaalaha Xanaanada Hooyadani 4-ta Caruurta ah Ku wada umushay Xarunta (MCH)- Ka Maxamed Mooge maaha markii u horaysay ee Caruur Mataano hal ka badani ay hooyooyinka halka loo keeno inay Ku dhalaan’ Waxaana jirtay inay Haweenay lsla Xanaanadani hore ugu umushay 3 Caruura oo Nool balse waa markii u horaysay ee 4 Caruura ay Haweenay kaliya ugu dhasho bal mar in kasta oo Nasiib daro aanay Caruurtani nolol sida la xaqiiyey Ku Iman Aduunyada.
Illaahay Hooyadani Caruurtani kaQiireen iyada iyo Saygeeda oo ahaa Aabaha Caruurtani in uu Cawil qab deg dega ugu bedelo dhacdadani Qoraalka ALLE Ku timid isla markaana Illaahay uu Ubad Khayr leh oo anfaca Bedel Ku siiyo Mustaqbalka Inshaalaahu
Suxufi. Cabdiwali Cali Ismaaciil
Eimail: Abdwali1991@gmail.com








