Xukuumadda Somaliland Ayey Iska Casileen Iyada Oo Baashe Cali Jaamac Damiin Ka Yahay W/Q Suxufi Cabdiwali Cali Ismaaciil

0

Xukuumadda Somaliland Ayey Iska Casileen Iyada Oo Baashe Cali Jaamac Damiin Ka Yahay  W/Q Suxufi  Cabdiwali Cali Ismaaciil

Maanta waxay noogu yaab badneyd anaga oo asxaab badan oo suxufiyiinta hargeysa ka hawlgala ay ka mid yihiin Khadar Mucalim Deeq. Cabdishakuur  Haybe, Maxamed Bulaale Jiglan Bulaale, Boqore Ahmed Abdi aniga iyo waliba dhawr Suxufi oo kale ka mid ahaayeen aanu Huteel Xaraf ee magaaladda Hargeysa ugu tagnay Siyaasiga Baashe Cali Jaamac oo ah Wasiirkii hore ee Khayraadka Biyaha Somaliland oo markaasi ay Saxaafadda wada balansanaayeen  shir Jaraa’id oo uu Xisbiga Kulmiye ku shaacinaayey in uu iska Casilay, halkaasi ku qabto.

Hadaba waxa arin  la ma filaana nagu noqotay markii uu shirkii Jaraa’id oo aanu Su’aalo dhawra ku waydiinay siyaasi Baashe uu noo soo dhamaaday, waxa goobta shirka Jaraa’id nagu la sugnaa dhawr nin oo markaasi la sii fadhiyey Baashe balse ay laba ka mid ahi naga codsadeen  in aanu ka duubno War, iyadana oo laba nin Wariyayaashii goobta ku sugnaa aanay midkoodna garaneynin ragaasi oo sheegay inay doonayaan in ay saxaafadda la hadlaan oo ay iska casilaan laba Xil oo Wasiir ku xigeenka Boosta iyo Isgaadhsiinta Somaliland  ah iyo Ninka kale oo isaguna sheegay in uu yahay Badhasaab ku xigeenka Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.

Intaasi ka dib markii ay dhawr jeer nagu celceliyeen labadii Nin  in aanaan ka tegin oo qalabka laga laabin ee ay Wariyayaashu Kamaraddaha ka duubaan, ayaa loo joojin waayey oo inay iska ciyaarayaan ayaanu u haysanteen Inamadda  Sawirqaadayaasha iyo Wariyayaasha goob jooga ahaa, ka dib Siyaasi Baashe Cali Jaamac oo dhamaantayo aanu wada garaneynay intayadii meesha ku sugnayd ayaa nagu yidhi waar bal u kaadiya ha laabanin qalabka oo ka duuba miyeydaan garaneyn waa wasiir ku xigeenkii Boostadda iyo Isgaadhsiinta oo lagu magacaabo Eng. Cali Axmed Cali iyo Badhasaab ku xiigeenkii Ceerigaabo oo isna magaciisu yahay Naaleeye Axmed. intaasi ka dib anaga oo Damiin ahaan u haysana Baashe Cali Jaamac maadama oo wax aqoonsi ah aanay haysan labadan sarkaal ee sheegay inay Xukuumadda xilalkan muhiimka ah ka hayaan ahaayeena laba shaqsi oo aan Saxaafadda inta badan hore loogu arki jirin,, ayaanu labadii nin oo markaasi masuuliyiin qaran noqday waxaanu ka duubnay muuqaalkii waxaana ay sidaasi ku shaaciyeen inay Xilalkii ay Xukuumadda ka hayeen iyo Xisbiga Kulmiye ee 16 ka maalmood Cimrigooda ka hadheen iska casileen kuna biireen Xisbiga Mucaaridka ee Waddani.

Wariye Cabdiwali Cali Ismaaciil

Abdiwali1991@gmail.com