Madasha Maanta Iyo Muran Dhaafka Siyaasadeed Qaybtii Labaad W/Q Yaxye Cabdi Cabdilaahi

0

waxa labadii Gobol ee Woqooyi lagu badalay Lixgobol oo Somaliland yeelatay isla markaana Gobol kastaa ka Abuurmay Sidii…

received_1214386138619288
Anigoo jecel inaan halkaa kasii anba qaado Maqaalkaygii hore een kaga hadlay dhibaatooyinka kadhasha dhulka,gaar ahaan Lixdii goobood ee Woqooyiga qormada labaad waxaan Ku iftiimin doonaa Xuduudihii uu isticmaarkii katagay.ilaa wakhtigii Dawladihii Xukunka Ku Kala dambeeyay markii aynu katirsanayn Soomaaliwayn,sida Ku cad Taariikh Xuduudeedka J.Somaaliland ama aynu wada ognahay ka shacbi ahaan marka laga yimaado wakhtigii Isticmaarka,balse wakhtigii Midawgii Dawladii Somaaliya iyo Somaaliland ama Goboladii Waqooyi iyo Koonfurba,waxay Somaaliland ka koobnayd,Laba Gobol oo lagu Kala Magacaabi jiray Woqooyi Bari iyo Woqooyi Galbeed oo Xarumahooduna ahaayeen Burco iyo Hargaysa,maadaama taasi jirtay ayaa guud ahaanba markii Goboladii Waqooyi ay Sibuuxda ulasoo Noqdeen Xoriyadoodii ee lagu dhawaaqay J.Somaaliland,waxa labadiiĀ Gobol ee Woqooyi lagu badalay Lixgobol oo Somaliland yeelatay isla markaana Gobol kastaa ka Abuurmay Sidii lookala ahaa Bari iyo Galbeed tiro isku sar go’an.marka aynu ka nimaadno nidaamka noocaasa ee Aas aas u ahaa Xuduudihii la dhigay Wakhtigii uu Isticmaarku inoo yimid 1884 ilaa Markii Somaliland lasoo noqotay Xoriyadeedii 1991 Wakhtiyadaa wixii ka dambeeyay ayaa waxa dhacday in meelo kamida Xuduudaha Waqooyi lagu sameeyay waxka badal sida Xuduudka Gobolada Awdal,Maroodijeex iyo Saaxil oo murankoodu jiro hada,taasina ay tahay takeentay qaska iyo Muranka ismaandhaaf ee inagusoo noqnoqday badiyaaba, haday tahay lixdan goobood ee aynu ka hadlayno ama guud ahaan Dalkoo dhan,S

Sidaana ayku waayaan dadka Dagan Deegaanka Muranku ka jiro Xuquuq Aas aasiya oo uu siinayo Dastuurka Qaranku,Xuquuqdaas oo ah Xaqa dhaqan dhaqaale ee bulshada iyo Xaqa Siyaadada(Social Cutral Economic and political rights) Macnahooduna yahay inuu qofkastoo Muwaadini Xaq uleeyahay inuu helo Dhaqaale,uu samaysan Karo inuu Bulshaawi noqon Karo iyo inuu Xaq uyeelanayo Inuu waxdoorto isna ladooran Karo isla markaana uu helo Sanduuqii Codbixinta iyo Agabkii Doorashada;

laso qaybaha kale …

Qore Yaxye Cabdi C/laahi Xandule