Arabsiyo news—-Madaxweynaha Somaliya ayaa lixsafiir oo uu toddobaadkan magacaabay wuxuu safiirka Somaliya ee Qaramada Midoobay u magacaabay nin dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland balse aaminsan mabda’a somaliweynta.Xasan Sheekh wuxuu Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, oo ka soo jeeda gobalka Awdal ee Somaliland u magacaabay inuu noqdo safiirka Somaliya u fadhiya xarunta Qaramada Midoobay ee New York. Mr. Beyle ayaa hore u soo noqday wasiirka arrimaha dibadda ee dawladaha Xasan Sheekh.Dadka kale ee safiirada loo magacaabay ayaa kala ah General C/Raxmaan Sheekh Ciise oo loo magacaabay xarunta Midowga Yurub, Abuukar Cabdi Cismaan oo loo magacaabay Koonfur Afrika, CaliShariif Axmed oo loo magacaabay safiirka Faransiiska, Fakaru-diin Maxamed oo loo magacaabayinuu noqdo safiirka Kenya iyo Maxamed Xasan Cabdi oo loo magacaabay inuu Somaliya u fadhiyo dalka Turkiga.
Home Uncategorized Madaxwaynaha Somaliya Oo Nin Somaliland Ka Soo Jeeda U Magacaabay Safiirka Qaramada...








