Cidina Uma Maqna Ceelna Uma Qodna — Qalinkii Cabdifataax Maxamed Habane

0

waxay ahayd 78 Maalmood ka hor Maalin jimce ah waa isla sanadkii Cusbaaye 2016, ayaa waxa aniga oo Hurda ilaa ku Dhawaad 9 kii subaxnimo la soo Garaacay Mobilekayga, dabadeedna waan qabtay la iina sheegay in shaqo la ii hayo, oo aan so Dhakhsado, Dagdag iyo Diyaar Garow ka dib Aniga iyo Qalabkaygiiba si kedis ah uga baxnay gurigii, Waxaanu u Baxnay Koonfurta Magaalada Arabsiyo oo aanu War ka soo Duubaynay, Anigoo ka socda Website-ka caalamiga ah ee Arabsiyonews.net waxba yaanan idin daaline, Markii aanu tagnay goobtii ayaa waxa Durba ay idhahaygu Qabteen Bulshadii ku noolayd Goobtaasi oo aad is waydiinayso Su’aalo farabadan markaad aragto sida, sidee bay u noolyihiin? yaa u maqan? Miyaa la iloobay?.

Xoolihii iska daaye Bini aadamkii ayaad ka naxaysaaa sida ay u eegyihiin,waxaanu gudagalnay waraysi aanu la yeelanayno bulshada ku dhaqan goobtaasi, markii aanu waraysigii dhamaynay ayaanu u sii Dhaafnay Dhankaas iyo Duunyadii ay haysteen, nasiib daro indhahaygu waxay qabteen barkadihii ama balayadii ay biyaha ku kaydsan jireen oo gabi ahaantoodba ay qalaleen, iyo lo’dii ay lahaayeen oo Cunaysa hadhaagii Caleentii la jaray oo aan dhulka laga garanaynba, halka ay caruurtii yaryarayd ee xoolaha loo diri jiray ay guryaha iska joogaan, kadib markii ay waayeen xoolo ay raacaanba.
Waxa iigu Darnayd intii aan goobtaasi joogay mid ka mid ah Odayaashii goobtaasi ku noolaa ayaa isaga oo nooga xaal waramay Abaarta waxa uu yidhi sida tan ” Waxaan lahaa ku dhawaad 40 neef oo Maqal ah, dhamaanood way wada dhinteen laga reebo ilaa 4 mooyee” hadaba hadii Maqashii yaryarayd oo kaliya dhimashadeedu halkaasi marayso maxaad u malayn wax ka waawaynba.
Hooyo ka mid ah hooyooyinkii oo aanu dhexda ku sii dhaafnay cabaara 11 kii subaxnimo, ayaa iyaduna dhankeeda nagu tidhi sida tan ” Waxaan baxay 5 tii subaxnimo waxaanan soo helay labadaasii shirkaan {2}ee dameerka saaran”.

Akhriste bal dareeen goorta aan waraysigaasi soo duubay een baahiyay waxa laga joogaa mudo 78 cisho ah, ka fikir umadii maalintaasi Oon iyo Biyo yaraan u dhimanaysay Maanta heerka ay marayaan taas oo aanay haba yaraatee u ri’in Roobabkii lagu nasan lahaa, sidaasi oo ay tahay dhamaanteen uma damqanayno dhibaatadaasi walaalaheena muslimka ah haysata.

Waxaan raxmaanka ka barayayaa in uu raxmaadkiisa u shubo umadiisa baahan, Dhamaan umadiisa Amiiin aaamiiin aamiiin, Raxmada Rabina lagama Quustee.

 

Cabdifataax Maxamed habane {Giryaad}
+252-63-4654654
Rarafiiq@gmail.com
Arabsiyonews.net