KALSOONIDA NAFTA W/Q: Abdirahman Mihile

0

Hordhac:
Kalsoonida naftu waa shay qaali ah oo cida leh gaadhsiisa darajooyinka ugu sareeya ee qanacsanaanta iyo weliba u dhaqanka si xor ah, iyo weliba inaad qaadato go’ano saxan oo aan mugdi gelin Karin mustaqbalkaaga, kalsoonida naftu waa shay la isu dhaafay xaqiiqatan dunida manta aan joogno.

Haddaba manta waxaan qalinka u qaatay bal inaan idiin soo kobo maqaalo farabadan iyo cilmi baadhis tiro badan oo aan akhriyey, adiga akhriste waxaan kaa rajaynayaa inaad inbadan sii baadho oo aad akhrido buugta ku saabsan kalsoonida nafta waayo waa shay aan hubo inaynu u wada baahanahay inaynu korino, qofkii aan lahayna loo baahan yahay inuu samaysto intaan wakhti ka tegin…
Waa maxay Kalsoonida Naftu?
Kalsoonida naftu waa dareenka uu qofku dareemo qiimaha uu leeyahay, sida mujtamaca dhexdiisa, taasi oo qofka laga dheehan karo dhaq-dhaqaaqiisa, deganaantiisa naf ahaaneed iyo waxqabadkiisaba, isagoon wax war war ah qabin ama cabsi ah, waana shay ka soo burqada shakhsiyada qofka.

Kalsooni daradu waa ka soo horjeedka kalsoonida oo ah inuu qofku u dhaqmo si lawada eegayo, ama la wada daawanayo ficiladiisa, taasi oo badanka sababta ficiladiisa iyo go’aanadiisuba inay intabadan khilaafaan dabeecadiisa rasmiga ah ee uu kudhashay.
Sababaha hoos u dhiga kalsoonida Nafta:

1. In aad u dhaqanto sidii qof lawada eegayo ama la wada daawanayo oo dadku ay isha ku hayaan meelaha aad ku liidato

2. Cabsi iyo werwer aad ka qabto inaad u dhaqanto hab khilaafsan caadada ama dhaqanka meeshaas aad joogto, si aan laguu dhaleecayn.

3. Inaad is liido ama aad aaminto inaad tahay qof liita oo xaqiran oo aan waxba ahayn, sida inaad tidhaa oo ku celceliso waxaan ahay qof xaqiran, waxaan ahay qof liita, waxaan ahay qof faashil ah oo aan weligiis rajadiisa gaadhi Karin.

Waxaana intabadan sababa Inuu qofku waayay darajo uu rabay sida inuu baaso imtixaan waxbarasho, ama imtixaan shaqo.

Haddii aynu saddexdaas sababood ee ugu waaweyn sababaha burburiya ama hoos u dhiga kalsoonida nafta sidaa ku soo dhaafno waa maxay xalku?………..

Lasoco Qaybaha Dambe enshaALLAH

 

W/Q: Abdirahman Mihile

post-graduate Candidate

Limkokwing University

Kuala lumpur Malaysia

Tell: 0060182319764

Email: 4807060@gmail.com

Facebook.com/Abdirahman Mihile