Inkastoo faaligu uu ku dhici karo qofkasta , waxaa jira dhibaatooyin
gaara oo caawinaya fursadaha uu faalig ku iman karo. Qiyaas ahaan 80%
faaliga waa laga hortagi karaa. Waxaase muhiiima inaad maarayn karto
dhibaatooyinka shakhsiga ah iyo dhibaatooyinka caafiimaad ee keeni
kara faaliga isla markaasna aqoonsan karto calaamadaha iyo astaamaha
faaliga,
Dhakhaatiirtu waxay ku talinaysaa in faaliga lagaga hortagi karo qodobadan.
1.LASOCO HEERKA DHIIG KARKAAGA (HYPERTENTION)
Dhiig karku waa dhibaatooyinka ugu waawayn ee sababa faalig hadaan la
daawayn. Waa inaad cabirtaa dhiig karkaaga maalin kasta si aad u
ogaato halka uu marayo. Haddaad awoodana soo iibso mashiinka digitalka
ah ee dhiig karka.
2.cuntada iyo jimicsiga
Miisaanka ama buurnida badani waxay cadaadis ku samaysaa wareega
dhiiga. Jimicso ugu yaraan shan jeer todobaadkii.
cuntadadu ha u badnaato khudrada noocyadeeda kala duwan. isticmaal
kaluunka iyo cuntooyinka bada laga helllo. ka dheerow cuntooyin
milixda iyo dufanka ama subaga leh,
3.JOOJI SIGAAR CABIDA.
Sigaar cabidu waxay aad u caawisaa imaatinka faaliga. Sigaarku wuxuu
dhibaato ugaystaa gidaarada xididada dhiiga, wuxuu kordhiyaa
xinjirawga halbawlayaasha, wuxuu kiciyaa dhiig karka, wadnahana wuxuu
ka dhigaa mid shaqo badan qabta,
4.LA SOCO HEERKA SUBAGA JIDHKAAGA (CHOLESTROL)
Cholestrol waa dufan ku jira dhiga oo uu jidhku sameeyo. sidoo kalana
la socda cuntada aynu cunno. heerka subaga jidhkaagu haduu bato waxaa
xidhmi kara halbawlayaasha, taas oo uu kadhalan karo faalig.. Dhakhtar
u tag haddii heerka subagaaga uu ka bato 200.
5. LA SOCO MACAANKAGA
Dad badan oo macaan leh ayaa waxaa la soo gudboonaada dhibaatooyin
khatir ku galin kara inuu faaliga ku dhaco. Dhakhaatiira iyo
kalkaaliyayaasha caafimaadka ayaa ka caawin kara sidii loo maamuli
lahaa macaanka.
6. AQOONSO ATRIAL FIBRILATION (AFIB)
AFIB waa marka uu wadnuhu u garaaco si aan caadi ahayn taasoo kordhin
karta khatarta faaliga. AFIB waxaa uu sababayaa in dhiig ka buuxsamo
wadnaha taas oo abuuri karta xinjiro sababi karta faalig.
Dhakhaatiirta ayaa baadhi karta daawayna karta AFIB,
7.QAADKA
waxaan shaki ku jirin inuu qaadku ka mid yahay waxyaa khatar kugu
galin kara faaliga, hadaad qaadka cunto waxaa talo ah inaad yaraysato
dhiigagana cabirto hadaad iska shakido.
Lasoco qaybaha danbe
waxa diyaariyey Aqoonyahan Axmed Maxamed Ciidle








