ADDOONKA ALLE IYO CALMAANIGA MAANTA QORE: SHEEKH CABDIRISAAQ CABDIRAXMAAN XASAN RAKUUB

0

Addoonimo qeexisteedu waa: in qofku cid uu rumaysan yahay inuu ka awood yar  yahay isku dhiibo, una tallo saarto ka arriminta qaab-nololeedkiisa, iyo ka soo godlinta hawl qabadkiisa ruuxiga ah. Una hibeeyo dhammaan xubnihiisa isagoo isu tusinaya inu kaga helayo abaal gud nololeed ama mid dambe (haddii uu aaminsan yahay soo saaris).
Nebi Aadan Cs, oo ahaa aabbihi dhalay dhammaan dadyowga ku nool dunida  ayaa  yimid dunidan aynu ku nool nahay isagoo ka soo dheelmaday xaggaa iyo dunida inaga qarsoon ‘jannada’. Wuxu dunida yimid isagoo rumaysan jiritaanka aburihii ‘Illahay’ dunida keenay. Wuxu la yimid hab-nololeed raali gelinaya aburihiisi ‘Illahay’.

Nebi Aadan Cs markii u galbaday ‘geeriyooday’ wuxu ka tagay dhal dhabarkiisa ka farcamay, dhashaasi kuwi ay sii dhaleen qayb ka mid ah ayaa fahamkii awoowgood ee qaab-nololeedkiisii aamineed ‘cibaado’ u fahmay sii aan ahayn kiisi, taaso daba haysay markii ay noqdeen tol deegamaysta oo ay mudh ka soo dhex yidhaahdeen rag mudan u ahaa. Markii ay raggaasi galbadeen ayaa tolkood ku arrinsadeen inay xabaalahoogi ka sameeyaan taaloyin lagaga sooco intii kale ee kula aasnayd xabaalahaa. Xabalahoodii waxa ay noqdeen kuwo la booqdo oo xus loo sameeyo. Dhawr jiil ka dib ayaa haddana si kale u dhigteen xabaalahoogi facaa soo kacay iyagoo leh ”tolkeen waxa ay caabudi jireen taalloyinkaa”. Sidaas baanay ku noqdeen xabaalihi ka soocnaa xabaalaha kale meel loo cibaado tago. Sida Alle SWT sheegay ba “Haka tegina Illahyadiini, hana ka tagina Waddan, Suwaac, Yaquus, Yacuuq iyo Nasr”.

Cibaado qeexideedu waa: fal kasta oo Illahay loogu dhawaanayo, isaguna jideyey in loo sameeyo. Adeegsigii ugu horeyey ee erayga ‘Cibaado’ wuxu la kowsaday Nebi Aadan marka laga hadlayo dunida, mar haddu yahay qofkii ugu horeyey ee Alle SWT abuuro.

Fahanka odhanaya in taallo loo aamino inay wax tar iyo wax yeello leedahay wuxu noqday mid jira oo illaa maanta la rumaysnaado. Waxaana tusaale kaaga filan reer bariga maanta jooga dhagxaanta ay caabudaan asalkoogi hore inu ahaa dad.

Nebi Aadan Cs dabadi Alle SWT wuxu soo diray ergo xaggiisa ka socota  oo dadka u sheegayey in aan Alle SWT sokadii cid kale addoomo loo noqon. Addoon inuu qofku noqdaa waa shaki la’aan, haddii aanu Alle SWT u noqon cid kale un buu addoon u ahaanayaa, kol rabitaankiisana uu u noqdo. Miyaanad arag aayadda Alle SWT ku leeyahay “ka warrama ka Illaah ka dhigtay Rabitaankiisi”.

Ergadii Alle waxa ay u qaybsameen qaar ku hungooba dadyowgii ay u yimaadeen, qaar tiro yar ka hela tolkood iyo qaar xoogaa dad ahi raacan. Sidoo kale ergooyinkii la soo diray waxa ay la kulmeen dhib iyo haddidaad keentay badhkood  in la dilo. Rasuulka CSW waxa ka sugan inu yidhi “waxa iman doona aakhiro Nabi qof wata, mid koox yari la socoto iyo mid kaligii socda”. Illahay SWT wuxu yidhi “waxay ku dileen ergadii Alle xaq daro”.

Dadyowga dunida jooga waxa ay u qaybsamaan dhowr qolo oo is huwan; qaar Alle SWT wada rumaysan ‘Islaamka, Kiristaanka iyo Yuhuudda’, qaar dhagxaan caabuda, qolooyin Jinka caabuda iyo qaar aan waxba rumaysnayn.

Sidoo kale dadyoowga qaarkood waxay soo baandhigeen kala dhambaalidda diinta iyo nolosha iyagoo leh “hala kala saaro diinta iyo siyaasadda, diinta iyo ganacsiga, diinta iyo aqoonta, diinta iyo ilbaxnimada. Amase yaanay wax door ah ku lahaan nolosha inteeda kale diintu”.

Odhaahda caynkaas ahi waxa ay ka soo baxeen dadyowga loogu yeedho ‘calmaaniyiin’. Erayga Calmaani asalkiisi hore waxa la sheega inu ka yimi ‘Caalam’ oo la macna ah Dunida. Dood baa yana odhanaysa asal ahaan eraygu wuxu ka yimid ‘Cilmi’ oo la macno ah aqoon, sidaas darteed waa dadkii aqoonta helay. Isku soo xooriyo dadkii eraygaa keenay waxa ay ahayeen dadyowgii haystay diinta Kiristaanka oo u taag waayey Kiniisadii oo la jaan qaadi kari wayday waaqicii siyaasadeed ama aqooneed. Sidaa darteed ayaa intii ka irdhowday Kiniisadihii qaateen magacan ‘Cilmaani’ ama ‘Calmaani’. Mar dambe ayaa la sii faah faahiyey Calmaaniyaddii iyadoo lagu soo dabaqay dhammaan qaab-nololeedkii dadka sida; ‘Secular State’ dawlad Calmaani ah, ‘Secular Education’ aqoon Calmaani ah iyo ‘Secular Culture’ dhaqan Calmaani ah.

Waxa ay ka turjumaysay  sida looga quustay wadaaddadii Kinisadda, markaasa la dheegtay hab-nololeed lagaga xoroobo wadaadkii ka ganacsanayey madaxa dadka, kaas oo libin uga dhigi jiray kolba inta dadku ay isaga u roon yihiin.

Fasiridda ‘noloshan maxaa xiga’ waxay noqotay dood isla meel dhigeeda lagu kala tagay oo qolo ba dhan ula dhaqaaqday. Ragga qaar baa la soo shir tagay dunida iyo dadka jooga ba ‘dabeecadda ayaa keentay, meel loo socdaana ma jirto, qof kasta marka uu ka tago halkan meel kale tagi maayo’.

Odhaahda ‘noloshan maxaa xiga’ waxa ay ka dhalatay markii la is waydiyey su’aalo liddi ku ah diinta, sida iyadoo shaki la galinayo diinta, lana leeyahay horta ma laga marmaan ba in diinta un lagu jira?. Miyaynaan kaba xorroobi karin diin ba?. Iyo sidoo kale diin iyo nololi maanay kala bixi karin?.

Is waydimaha su’aalahaa waxa keenay dadyowgii ka irdhoobay diintii Kiristaanka ee sheeganayey inay ka xorroobeen diintoodi. Markii ay isku qanciyeen inay ka faa’ideen ka madax-banaanshihii Kiniisadda ayey isu tusen ta kaliya ee Islaamka iyo diimaha kale ku soo xero gashan karaan tahay in sidooda layska siibo diin ba. Haa, in badan waxa ku adkaatay wadaadadoodi siday u fidin lahayeen diinta Kiristaanka, sidaa darteed bay is yidhaahdeen kuwi ka tagay ku dhaqankii diintoodu dadka ba maad ka dhigtaan sidiina oo kale, haa maad tidhaahdaan diin la’aan ba aqoon iyo lacag keenta, si dadku ba idiinla qaatan.

Fikradihii ay ka dhaxleen ka soo irdhowgii kinisadda ayey ku soo ururiyeen dhiganayaan. Xaqiiqdii qababkii ay soo mareen iyo midhihi ay ka heleen bay ku soo ururiyeen dhiganayaashaa ‘buugtaa’. Sidoo kale waxa ay qoreen sheekoyin mala-awal ah oo si falsafadaysan loogu buun buuninayo fikaradda Calmaaniyadda, taaso ka dhigaysa ta kaliya ee lagu gaadhi karo badhaadhe nololeed. Odhaahyaha caanka noqday waxa ka mid ah ‘diini waxa ay ku faafta dadyowga saboolnimo iyo aqoon darro hagaasisay’ sidoo kale ‘waxa diin ka xorrooba duulka aqoon, ilbaxnimo iyo dhaqaale haysta’. Ereyadaa horraantii waxa adeegsan jiray dadyowgii Kinisadda ka quustay, waayo dambe se markii loo aqoon doontay dunidii fikradaasi ku faaftay ayaa waxa soo noqday duul la soo dhalaan rogay, oo fikraddaa soo sharaabay.

Mooji, inay tahay burburka sababtiye da’yar badan oo dunidaa inaga qabatay ayaa afar buug oo ay inoo soo akhristeen keentay inay maanta inoola shir yimadaan fikraddaa. Xaqiiqdii aqoon durugsan oo ay wax ku kala shaandhayn karaan ma laha, hase ahaatee waxa ay la liclicayaan waa is mahadin aan meelna gaadhsisanayn, waxa ay is tuseen akhrintii afartaa buug inay ku badhaadheen, aqoon aan lala wadaaginna ay hayaan. Waxa ay hoos u eegaan cid kasta oo aan la jaan hayn iyaga, waxa ay dardaran ku qabaan dhalecaynta iyo aflagaadaynta culimada, iyo ku jees-jeesidda diinta.

Haddaba haddii aynu u soo noqono jawaabaha su’aalahan ugu horrayn Alle SWT ma aqbalaya diin aan ahayn diinta Islaamka? Jawaabtu waa MAYA. Alle SWT wuxu yidhi “qofka raaca diin aan ahayn diinta Islaamka laga aqbali maayo”. Waayo Nabi Maxamed CSW wuxu ahaa ergaygii Alle SWT ee soo gunaanaday ergooyinkiisi, sidoo kale na fariimihi ‘waxyigii’ Alle isagaa soo gabogabeyey. Markaa wax loogu hanqal taago diin kale maba jirto. Rasuulka CSW waxa ka sugnaaday inu yidhi “hadduu Nabi Muuse Cs joogi lahaa, wuxu ku dabaqmi lahaa diintayda” sidoo kale waxa ka sugan Rasuulka CSW “Nabi Ciise Cs aakhiru-samaanka marka uu yimaaddo wuxu idinku xukumi doonaa diintayda”. Ogobey diintani waa farriintii ‘waxyigii’ugu dambaysay ee Alle SWT inoogu soo dhiibo ergooyinkiisi. Sidaa ajligeed in la raaco waa mid lagu khasban yahay.

Su’aasha labaad in laga xorroobo diintu ma banaan tahay? Jawaabtaa su’aal ba ka horraysoo horta mala xorrooba? Dadnimada waxa ka mid ah in qofku rumaysnaado wax isaga ka itaal roon inu jiro meeshu doono ha galiyo xooggaasi inu jiree. Haddu qofku diido inu jiro Illaah waxna dila waxna nooleeya. Hubaal waxa ah inu meel kale u leexinayo ‘dabeecad’ oo ah khiyaal qofku is aaminsiinayo inay wax badasho waxna keento. Sidoo kale dhagax uu isago qortay ama awoowgii dhisay u foorarsado, hadda waxa dunida ku soo batay duul caabuda ‘Jinka’.

Cidda aaminsan in diinta laga xorroobo waa maalinjir maangaab ah , sidee looga xorroobi karaa iyadaaba xornimo socota ahee, xilligii Nabi Maxamed CSW soo baxay dadku maanay ku wada foorarin dhagaxaan ay samaysteen, maanay taasi ahayn maangaabnimo qofku garaadkiisa ku dulaynayey, dhagax uu qorqortay inuu u aamino waxtar inu leeyahay, liidnimada ka xuni xaggey taal. Miyaanu u iman qolooyin diinti Kiristaanka ka baayacmushtareeyey oo rifan iyo lisan ku riday, maanu magaciisi ka dhex helin intii dhiganayaashaa ka sii hagaagsanayd.

Su’aasha saddexaad diinta iyo noloshu may kala bixi karaan? Su’aashaa waxa keenay calmaanigii Kiristaanka ahaa oo quus ka soo istaagay wadaadkii Kiniisadda joogay oo xilli curineedkii Yurub ka hor yimid. Hase ahaatee diinta Islaamka iyo noloshu isma diidi karaan amase si kale u dhigoo diinta Islaamka iyo hab-maamulka siyaasadeed, curinta aqooneed iyo so godlinta ilo dhaqaalo isma diidi karaan.

Ugu horayn Muslinku waxa u dunida ka talinayey ku dhawaad siddeed qarni waxana lagu sheegaa xilligii ugu caddaaladda badnayd ee inta la hayo dunida soo marta. Dadyowgii aan Muslinka ahayn ee noola xilligaa waxa ay ka marag kaceen caddaaladdii madaxda Muslimiinta.

Halyeeyadii Muslinka ee ka qaybta ahaa curinta aqoontu maaha qaar laga gayoon karo magacaabiddooda se haddaynu dhowr ka mid ha ka soo qaadano waxa aad la yaabi doonta aqoonta halka ay ka gaadheen iyo sida aynu uga war la’nahay halyeeyadaa.

  • Abu Al Qaasim Al Sahraawi oo noola (936-1013) waxa uu ahaa aqoon yahan ku horreyey aqoonta dhakhtarnimada gaar ahaan qalliinka, illaa loogu yeedhay ’Father of Modern Surgery’ aabbihi qaliinka casriga. Waxaana u qiray dunida galbeed.
  • Ibnu Sina oo noola (980-1036) wuxu ahaa aqoon yahan curintiisu xad dhaaf ahayd, aadna loogu heellanaa qorista dhiganayaashiisi loo aayey, isagoo aqoon badan curiyey sida astronomy, alchemy, geography, geology, psychology, Islamic theology, Logic, mathematics, physics and poetry.
  • Ibnu Khalduun oo noola (1332-1406) wuxuu ahaa aqoon yahan aqoonta Sociology ka wax badan ku soo kordhiyey, sidoo kale wuxu ahaa taarikh yahan, dhaqaale yahan iyo waliba aqoon-ruug siyaasadeed oo aad looga tixgeliyo dunida idilkeed.

Ka gayoon mayno ka warranka haldoorkii Muslimiinta se gun iyo gunaanadkii qof taa aan ka warqabin amase is diidsinaya un baa cid kale u hanqal taaga. Tallada maantu waxa weeji waar inamada yaryar ee inoo soo waaridaya wax aanay guntiisa ka sal-gaadhin yaynaan u carrab lalaadin. Qoraladooda liita yaynaan bunbuunin, yaynaan aqoon yahanno moodin, se u caqli celin iyo waano walaalnimo aynu ugu badalno.