Somaliland Shalay iyo Maanta:W/Q: Hassan Mohamoud Ismail

0

Somaliland waa dal yar oo ku yaal geeska Africa Waana dal ka badbaaday dhibaatada colaadaha dabada dheeraaday ee badiba aafeeyey wadamada gobolka .
Waa dal xasilooni iyo nabad geliyo taam ah haysta.
Somaliland hadaba bal hadii aynu dib u yar milicsano Somaliland iyo taariikhda waxay soo martay iyo halkay maanta joogto , inaga oo aan ku soo koobi karayn hal iyo labo eray, hadaba bal aan is yar dul taagno oo aanu ka soo qaadano halkay somaliland ka soo bilaabantay iyo halkay maanta marayso iyo halka ay beri higsanayso .
Iyada oo Somaliland madaxbanaanideeda ay la soo noqotay sanadkii 1991-kii ayaa madax banaanidaasi waxay ahayd mid ay Somaliland hore u heshay sanadkii 1960-kii ka dib 80 sanadood oo ay Somaliland ku hoos jirtay gumaystihii reer galbeedka, gumaysigaas oo bilaabmay markii ninka cadaan ka ahi ka soo degay Africa ka dibna isku xeeray oo gebi ahaanba qaarada.
Hadaba 1885 ayey ahad markii dadka somalidu ay u kala safteen amaba u kala qabsameen shan qaybood , Qaybintaas oo sal looga dhigay deegaankii iyo dhaqan wadaagtii midba midka kale uu la lahaa sidoo kalena ay ahayd qorshe ay gumaystayaasha reer yurub ku kala qaybsadeen degaanadii somalida oo ayna markii horeba jirin dawlada ka dhaxaysay keliya ahaa dad Somalia, hase yeeshee ay jireen meelaha qaar sidaan taariikhda ku maqlayno ay jireen wakiilo meelaha qaar ku sugnaa oo meetelayey boqortoyadii cusmaaniyiinta xiligaasna waxa aas aasmay dawlada maanta aynu hoos hadhsanayno ee Somaliland .
Qormadii 1aad……….lasoco qeybta danbe

Somaliland Shalay iyo Maanta
Aynu halkii ka sii Anbaqaadno Qormadeenii Labaad Taas oo aynu ugu magacdarnay Somaliland Shalay iyo Maanta.
Hadaba sidaynu Hore u soo Qaadanay qormadeenii hore Somaliland markii Gumaystuhu soo gaadhay waxa Aas Aasmay somaliland British Protectorate Taariikhtaas oo lagu qiyaaso sanadihii 20 July 1887 to 1888 – xiligaas oo Loo bixiyey magaca British Somaliland kaas oo ay kaga mid Ahayd Gumaystihii Britain. Xukunkaas oo Socday ilaa 26-kii june 1960-kii sanadkii Africa waa sanadkii lagu tiriyo in badiba dawladaha africanka ahi ay qaateen Xoriyadooda lix,dameeyadii. Somaliland Xornimadeeda ka hore iyada oo ay soo martay Halgan siyaasadeed iyo mid hubaysanba oo ay Mudo dheer ku doonayeen in ay iskaga tuuraan heeryadii Gumaysiga dhanka kale waxa dawlada Britain ay ku Adkaysan jirtay in Somaliland iyo gacan ku haynteeduba ay muhiim u tahay Beesha caalamka, Islamarkaana ay halkaas u isticmaasho Saldhig ay ku Hakinaysay ganacsigii saddex geesoodka Ahaaye ee dadka madaw ee xiligaasi socday iyo sidoo kale ilaalinta marinka baabalmandah oo isku xidha badaha saddexda ah ee gobolka mara marinkaas oo ay Britain dhanka kalena ka fadhiday magaalada cadan iyo guud ahaanba koonfurta dalka yeman.
1898-kii ilaa 1919-kii waxa ciidamadii Britain Dagaal ba,ani ka qabsaday gudaha Somaliland Gaar ahaan Gobolada bariga halkaas oo ay ku Dagaalameen Ciidamadii Daraawiishta ee uu Hogaaminayey Sayid Mohamed Cabdile Hassan.Hadaba insha allah waxaynu halkaas ka sii anbaqaadi doonaa dagaalkaas iyo wixii ka danbeeya la socod wanagsan fadlan wixii Taarikh wadankeena ku saabsan ee aad hayso Email,kan hoose ku xusan noogu soo gudbi amaba barta facebook,ga https://www.facebook.com/xasanm12 waa muhiim taariikhda keenu
Qormadii 2aad……….lasoco qeybta danbe
W/Q: Hassan Mohamoud Ismail
Hargeisa-Somaliland
Email:Hassanyare1990@gmail.com
Tell: 252633430000