Aqoonsashada nooca faaliga qofka ku dhacay waxay fududaysaa helitaanka daawayn dagdag ah. Haddaba isagoo faalig oo dhamiba uu ku dhaco maskaxda haddana waxaa noocyo kala duwan
1.|HEMORRHAGIC STROKE
Hemorhagic stroke wuxuu dhacaa marka xidid dhiig oo maskaxda dhexdiisa ahi uu qarxo ama xidido daciifa oo maskaxda ahi ay liigaan, kadib uu dhiig ku daato maskaxda dhexdeeda iyo hareereheeda. dhiigaas ku daatay maskaxda dhexdeeda/hareereheedu wuxuu sameeya barar iyo cadaadis waxyeeleeya nudayaasha iyo unugyada maskaxda waxyaabo badan ayaa sababi kara oo ay ugu mudan yihiib dhiig karka oo xididada ka dhiga daciif iyo dada qofka oo waynaata.
Faaliga noocan ah waxaa loo sii qaybiyaa laba nooc
INTRACEREBRAL HEMORRHAGE
Waa marka xidid dhiig oo maskaxda dhexdiisa ahi uu qarxo ka dib uu dhiig umuuso nudayaasha maskaxda ku xeeran Dhiigaas oo keena in unugyadii maskaxdu ay dhintaan. waaxdaas maskaxduna ay joojiso shaqadii ay haysay. dhiig karka ayaa ugu badan waxa sababa noocan.
SUBARACHNOID HEMORRHAGE
Faaliga noocan ahi wuxuu yimadaa marka uu dhiig ku furmo inta u dhaxaysa maskaxda iyo nudayaasha ku xeeran maskaxda. faaliga noocan ah waxaa keeni kara waxa loo yaqaano ANEURISM-oo hadaynu si kooban u sharaxno noqonaya gidaarada xididada oo yeesha meelo daciifa oo uuu dhiigu ka soo gudbo.
2) ISCHEMIC STROKE
Ischemic stroke waa nooca ugu badan faaliga. Faaliga noocan ahi wuxuu imaada marka xidid halbawle ah oo maskaxda ku yaalaa uu xidhmo amaba awdmo, Ischemic stroke waxaa loo sii qaybiyaa laba qaybood.
a) EMBOLIC STROKE
Waa marka xinjir dhiiga oo ku samaysantay wadnaha dhexdiisa amaba halbawle dhiig ay tagto ama gaadho maskaxda. xinjirtaas oo markay maskaxda gaadho xidha xidid halbawle oo maskaxda dhexdeeda ah+_ halkaas oo uu ka abuurmo faalig.
b)THROMBOLIC STROKE
Wuxuu dhacaa marka xinjir ay ku samaysanto halbawle dhiiga geeya maskaxda xinjirtaas oo xanibta qulqulkii dhiiga ka dibna sababta faaalig. Faaliga noocan ah waxaa lagu arkaa dadka subaga leh.
3)TRANSIENT ISCHEMIC ATTACK (TIA)
Marka halbawle dhiig oo maskaxda ahi ama mid ku socda maskaxdu uu uu awdmo muddo kooban,qulqulkii dhiiga ee waaxdaasi hoos ayuu udhacaa amaba wuu istaagaa. Halkaana waxa ka dhasha nooca faaliga loo yaqaan TRANSIENT ISCHEMIC ATTACK(TIA), sidoo alana loo yaqaan faaliga yar..
astaamaha TIA waxaa ka mida
hadalka oo kugu adkaada
indhaha oo waxba ka arki waydo
socodka oo uu qofku kari waayo.
Marka uu TIA uu dhaco halbawlihii xidhmay dib ayuu u furmaa ama wada cusub ayaa furanta kadibna qulqulkii dhiigu sidiisii ayuu ku soo noqdaa, Waa sababta ay astaamaha TIA lagu garto ay muddo kooban ujiraan.
TIA waa astaan muujinaysa inuu faalig wayni kugu soo socdo.
Waxa diyaariyey Aqoonyahan Axmed Maxamed Ciidle








