Shacabka Reer Gabiilay Gobanimadii Ay Ku Taageeren Xukumuada Axmed Siilaanyo Mawaxay Ka Dhaxlayn In Lagu Badalo Gunnimo Iyo Cadaalad Daro.

0

Hadii aan soo qaadano doorashadii ugu damabysey ee uu Ahmed Siilaanyo ku helay madaxtinimada dalka waxa la ogaa oo shacabka reer Somaliland
Shacabka reer gabiley ma ka soo waaqsan doonaan wixii loo geystey? Ilaah mahdi ha ka gaadhee shacabka reer Gabiley waxay si weyn ugu mahdsanyihiin muwadinimada ay mar walba ku muujiyaan mowqifkooda siyaasadeed iyo kan  muwaadinimo iyo mid nabadgelyada intaba.
sida laga warqabo marka laga soo bilaabo halgankii shacabka reer Somaliland  u galeen inay soo dhacsadaan gobonimadoodii waa la ogaa halkay ka galeen iyo siday halgankaas  guntiga dhiisha iskaga dhigeen haday tahay mid nafeed iyo mid maaliyadeedba.kadib dawaldihii soo maray  ee laga dhisay  Jamhuuriyada Somaliland  mid walba abaalkooda shacabka reer Gabiley waxay ku mutaysteen mid aan la soo koobi karin oo haday tahay xaga  kobcinta dhaqaalha dalka iyo haday tahay xaga taageerada nabada iyo codbixntaba intaba.
Hadii aan soo qaadano
doorashadii ugu damabysey ee uu Ahmed Siilaanyo ku helay madaxtinimada dalka waxa la ogaa oo shacabka reer Somaliland ka qarsoonayn inay shacabka reer Gabiley ahayeen tiradii ugu badnayd ee ku taageerata  codkooda si  loo bedelo xukumadii Madaxweyne Riyaale taasina ay tahay guusha keli ah ee  uu Ahmed  Silaanyo ku soo baxay maantana uu kursiga ugu fadhiyo dalka Jamhuuriyada somaliland.

hadaba hadii ayno isweydiino  inay shacabka reer Gabiley  guulahaas ay soo hooyeen ma ka heleen faaiidadii ay iyo magacii ay u soo hooyeen madaxweyne Ahmed siilaanyo mise  ku hugoobeen oo weliba khasaare badan  oo xaga siyasada iyo xaga  horuumarkaba kala kulmeen. jawaabtu waxay tahay waxay kala kulmeen  khasaare iyo tacdi badan oo aanay marnaba ka soowaaqsanayn waxaana ka mid ahaa  ,hadaynu sooqaadano ugu horayntii waxa  shacabka reer Gabiley wada xasuusanayahay sidii foolxumada hayd ee loo galay Taliyiihii Ciidanka qaranka ee somaliland  Mudane Nuux Taani,waxaaba ka sii daran  bedelkii lagu bedeley  Taliye Jidhif oo isagoo labaa Bilood hogaanka sare ee Ciidmada hayn hadana si bahdilaad ah loogu geystey kadib markii uu ku taamay in loo madaxbaneeyo hawal qaran ee ciidanka madama uu yahay Taliyiihi Ciidanka  ku magacownaa. waxa taas ka sii daran wasiiradaii deegaanka Gabiley kaga  jirey xukumada oo sida shadhadhka Duuga ah ee laga soo iibsado  (suuqyada  HUDHAYDHKA) la isugu  bedeley iyadoon wax wada tashi ah laga yeelan haldoorka iyo madax dhaqameedka gobolka Gabiley taasoo u muuqatey inay  tahay bahdilaad iyo dantaadii ka gaadhey cidna ha u joojin.waxaaba taasi ka sii darayd oo aan cidna ka qarsoonayn bahdilaadii  iyo xadhigii loo geystey lataliyihii   madaxweynaha  (ABIIB TIMACADE) oo loo xidhay arrin aanu wax denbi ah ku lahayn haseyeeshee aan hadana laga xaal marin ee sida kubada loogu ciyraaya sharaftiisii iyo millgihii uu ku lahaa maqaamka xukumada somaliland. arrinba arrinta kale ayaay ka ii darantahay waxaaba isku fuuqsaday oo aan la ilaawi karin sidii looga qaaday heerka wasiirnimada (Wasiirkii  Ganacsiga iyo maalgashiga,Mohamed Abdulahi)  markii laga waayey inuu sharaftiisa ku ciyaaro oo uu ku taageero wasiiradii weji ku macaashka iyo qabyalada isku raacay ee ka eexday gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muse Biixi Abdi haseyeeshe uu Mohamed Abdulahi goaan raganimo iyo geesinimaba lah ka qaatay sharaftiisana ka ilaashaday  wixii xaaraan ah ee sumacad xumi u keenayaa.
waxa kaloo jirta oo iyaduna kaba sii daraan oo xaaran ah inay  dhacday oo jeelka laga sii daayey raga hubaysan oo Askar Ciidan ahaa ku laayay xaga AIRPORTKA Hargeisa  kana wada tirsanaa gobolka Gabiley oo aan habayraatee wax xaal marin iyo magdhow toona laga siin qoysaskii ay ka geeriyoodeen .maxaa u danbeeyey denbiyada iyo  abaalaaanta laga galay shacbka reer gabiiley,waa  dilkii dhawaan ka dhacay magalada
QORILUGUD ee lagu dilay labaa sarkaal oo ka soo jeeda deegaanka Gabiley ,balse aan haba yaraatee cidi ka dab tegin ragii hubaysnaa ee dilkaas geystey iyadoo weliba la cadaynaayo inay shirqool  iyo abaabul  dhagaraysan lagu dilay labda sarkaal .waxaabase ka FOOLXUMA xukumada Ahmned Siilaanyo oo aan haba yaraatee  aan kaba sooqaadin  inay deero deero hirdiday  kana qarisay dadkii ehelka u ahaa labadaa nin  oo weliba si degdeg ah loo aasay  iyadoon loosamayn wax aas qaran ah madaama ay ahyeen ciidankii aynu nabadpooda ku fadhinay magacan ku lahayn iytadoo  goor dambe  dadkii  ehelka  u ahaa kaga warhelay warbaahinta maxaliga ah siday u dhacday mashaqadaasi dhagaraysan. Xitaa madaxawyanaha ahmed silaanyo u quudhi wayay in uu ka tacsiyadayo qaranka Somaliland. Gaar ahaan Goboblka Gabiley.
waxaan si weyn ugu tacsiyadaynayaa hadaanu nahay shacabka reer Somaliland guud ahaan mashaqadaas sida foosha xun loogu sameeyey shacabka reer GABIILEY waxaanuna ku guubaabinaynaa inay mar walba nabadgelyada sidii hore u dhowraan haseyeeshee ay ku quus qaataan siday ugu khasaareen halgankii iyo taageeradii ay u galeen ahmed Siilaanyo oo taageeradoodii ka dhoigay hal bacaad lagu lisay markii uu ku guuraynaa ka abaalka daray.

waxaan kula talinayaa dadaweynaha reer Gabiley inay doorasho soo socoto kuna ciilbaxaan kuna cad goostaan iyagoon ilaabayn marnaba ilaabayn waxyaabihii foosha xuma ee lagu sameeyey haldoorkoodii haday tahay xaga siyasada ,xaga ciidmada,xaga madax dhaqameedka iyo dhaqalahay ku lumiyeen  tagerada ahmed Siilaanyo .

waxaan si weyn ugu mahadnaqanaa dadweynihii reer Gabiley ee ka gilgishay  dilkii loo geystey saraakiishii lagu dilay  QORILUGUD oo aan xukumada siilaanyo waxba ha ka soo qaadin. waxa isaguna mahad  ta la mid ah  ku bogaadinaynaa  Musharaxa Madaxweynaha xibiga UCID Jamal Ali Huseein oo si badheedh ah uga hadlay  dilkaas dhagaryasan ee lagu sameeyey sarakiisha dhawaan lagu dilay QORILUGUD iyo sida looga qariyey dilkoda iyo aaskoodba dadkii ehelka u ahaa ee reer Gabiley iyo guudahaanba dadweyanha nabada jecel ee  reer Somaliland.

Somalilad wax ay ku maah maahdaa   Markaa nimanka afku macaashaka ee u ka mid yahay Dhuxul  iyo abii timicade, doonaya in uu cabbo dhiiga dadka mujaahidiinta ree Gabilay, waxaan leenahay” Dhadhan malaha aadmigu wuxu kugu dhallilaaye , nin dharbaaxo quudeed dugsday dhaqayadeed maalye, dhashaaday sugtaa xaajadaad dhaworataa abide.” foolxumada iyo waxyeelada dhibta leh ee muuqata ee Isir nacaybka ka dhax socoda Xukuumada Siilaanyo maahin mid aad qarin karto. ee inta ay goori goor tahay ka tasho inta aan lagu eryin.

Hassan Ahmed
Student at LLB Greenwich University
London UK
Hassankaid4@gmail.com

About the Author
Arabsiyo