Gudhubaa-gadhaa afka wada guracan ereyada gefka ah kuma badiso garo” Qore/ ibrahim adam elmi-galaan “qumaash”

Waxa yaaba oo yaabka-yaabkis ah cayda sida dharka lo xidhanayo iyo hanjabaada xadhka goosatay kuna socota madaxweynaha iyo reerkiisa guud, aan u kala qaado sadex qolo
1 ) qolo maskax guurkii doorashadi 2017 wali la dawkhsan wax daweeyana weyday
2 ) in kuwaasi hore roll model u yihiin oon “ishta la barin”
3 ) waa kuwo madaxweynaha reerkooda ahaan loo adeegsanayo on hami raganimo la hayn iyo garasho dheer o mijinta qaadka ah ku siman

Aan u so noqdo qolada hore, xooluhu waxay maraan sadex nololood 1) mar waa cosob daaq 2) marna waa calyo daaq 3) marna waa celiyaay-mariyaay o ah markay xaab dhulka ka qaadi waayaan ay meelwalba madaxa ku dhuftaan waa kuwaa xaalkoodu marayo shirbeeleed baanu ku dhawaaqi 2022 “ka salaamiyo yaab.

2)waa qaar aan “ishta la barin” o laamida soo raacay kana muuqato badawnimada halka ugu danbeysa qayladu waa ismuujin kalsooni la’aani hageyso laakiin dharka loo xidhay akhlaaqdi shicibka magaalada dhexdiisa iyo xishoodki way ka madhanyiin kuwaa waxanu leenahay awrku markuu sagaal jir gaadho waxa layidhaa mici-maraar loogana jeedo wuxu qabto dib looguma yeedho ninku markuu 40 sanadood siyaasad ku so jiro adigu u magac bixi “tolow yaw sheega”

3)waa qaar aan “qashar ugu jirin” ninka reer miyiga ahi waa colaad u joog goor walba markaa marwalba waa inuu haystaa qorigii iyo xabadihiisi o waliba qaar dhuunta ugu jiraan ninka aan xabado haysan ayaa reer migigu markay mid dhaliilayaan ayey odhan jireen hebel “qashar uguma jiro”wa caqli gaab ku idhiyaa
waa qaar sida huuryada xoolaha qoonta loo adeegsado cayda madaxweynaha, qaar hamigii ka dhintay o qaar ku qanceen mujaahid hebel
waa kuwa raganimo kaga hadhay horjooga mansoor si ay u sugaan gabaati iyo inan la meherinayo
waa kuwa xildhibaanad so saari kari waayey intii loo dirayey cayda madax weynaha

kuwaasi hayga gudooman tuducan:

“nimankii abtirsiintiyo ehelkooda yiqiin alle hawnaxariiste ifka wey ka tegeeno
u asoolka shisheeye niman aad u yaqaaniyo
axal aan naf lahaynba albaabada hada taagan
Erey aan dux lahayno=axmadow nin shisheeye
ka yidhaaho afkiisiyo=sacabkay alwiyaan

hadaan ku noqdo micnaha ciwaanka maqaalka wa “alle waraabow maxaan muu kaa maqlay

dhawrkan tuduc Waxan u hibeeyey madaxweynaha:

jiilaal hawaarsaday=dadka o haraad qaba
awrku heeryadi dhigay=duunyadiina hoobteen
hogoshi u curate=haro wada biyeyse
raha ciida hoosiyo= shimiruhu u heeseen
hoodaale yaad tahay
hayin aan dakaamayn=ubad loo dulhooyiyo
habasaha kaliilaha=damal la hadhsadad tahay
geesigi haldoorke maalintay haboonayd
fule u ka haajiray= noo hiiliyad tahay noo hagar baxaad tahay
hooto caana badanoo= horaadada nasiisiyo
haadi camal -san baad tahay

somalilaneey laguuma baqo
guuuuul s/land

Dal/ jir ibrahim adam elmi-galaan “qumaash”