Guddoomiyaha Ururka Mareegaha Somaliland ee Somaliland OnlineMedia Association (#SOMA), Mustafe Abdi Mohamed (Mustafe-Janaale) ayaa guud ahaan
shacabka reer Somaliland iyo umadda Islaamka meel ay joogaanba ku hambalyeeyay
curashada bisha barakaysan ee Ramadaan oo caawa curatay. “1442/9/1 H, M13/4/2021”.
Bilashada bishan barakeysan ee Ramadaan waxa ay xambaarsan tahay khayr baddan.
waa bishii kheyrka, waa bishii towbadda, cafiska, waa bisha uu ku jiray habeenka kheyrka
baddan ee Leylatul Qadriga. waa bisha sheydaanka la xidho oo Alle uu naarta ka xoreeyo
muslimiin baddan oo uu waafajiyey khayrka bishan.
Mustafe-Janaale wuxuu shucuubta Islaamka,shacabka reer Somaliland-ba iyo bahda
Saxaafadda u rajeeyey inuu Eebbe ku sugo khayraadka iyo xasanaadka bishan
barakaysani ay xambaarsan tahay, isaga oo u rajeeyey inay wanaag iyo khayr ku gaadhaan
bishan bisheeda, ILAAHAY-na waxa aan ka rajaynayaa inuu inaga dulqaado xanuunadan
aduunka safmareenka ku noqday ee saameeyey dunida COVID 19, ummadda reer
Somaliland iyo dalalka Islaamka ahna rabi ha siiyo bash-bash iyo barwaaqo ay ku
gaadhaan sanadkan sanadkiisa, illaahayna waxaynu weydiisanaynaa dambi-dhaaf,
adduunyo san iyo Aakhiro san inuu inagu simo, wixii dhibaatooyin ahna ummadda ka dul
qaado.”
Ugu danbayntii Gudoomiye #Mustafe_Janaale waxa uu ummadda reer Somaliland iyo
bahda Saxaafadda Online-ka kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan khayrka bishan, kuna
dadaalaan cibaadada islamarkaana ay noqdaan kuwo dhexdooda ay gasho cafis, iyo is-
jacayl,. “Waxaan rabi uga rajaynayaa shacabka Somaliland, bahda Saxaafadda Online-ka
iyo Warbaahinta kale-ba inay bishan bisheeda ku gaadhaan bash-bash iyo barwaaqo”
HALKAN KU DHUFO OO KA BOGO: https://www.facebook.com/somaorgonline
#Ururka_SOMA
#Somaliland