Sidee ayay doorkan noqon doonaan Saamiga Kuraasta Goballada ee Golaha Wakiiladu?-W/Q Garyaqaan Maxamed A. Cabdi Bacaluul

0

Waxay ahayd 29kii September,2005tii , markii shacabweynaha Jamhuuriyada Somaliland ay si xor ah ugu soo baxeen una doorteen wakiiladii ay ku yeelan lahaayeen dawlada. Waxay ahayd markii ugu horaysay ee Doorasho wakiilo laga hirgaliyo dhulkay Soomaalidu degto, intii ka dambaysay 1969kii.

 

Sidoo kalana waxay ahayd ammaantii ugu weynayd ee Somaliland beesha caalamka ka hesho, kuwaasi oo ku tilmaamay inay codbixintaasi ahayd tallaabadii ugu weynayd ee aynu kaga dhabaynay hirgalinta hanaan dawladeed oo ku salaysan dimuqraadiyad iyo sharci ( Yusuf, Kibble, Brudbury).

Marka laga yimaado, aragtidii adduunweynuhu ka qabay codbixintan, waxa xusid mudan inay hirgalinteedu soo martay maraaxil adag oo isugu jiray caqabado maamul iyo sharciba. Saamiqaybsiga Gobaladu ku kala yeelan doonaan 82ka xubnood ee uu ka kooban yahay Golaha Wakiiladu ayaa noqday caqabaddii ugu weynay ee la isku mari waayay. Sidoo kale kala-xadaynta gobol-doorasheedyada ayaa iyana qayb ka ahayd caqabadihii jiray. Waxaanay arrimahani muddo laba sannadood ah, hortaagnaayeen sidii loo curin lahaa Xeerkii Doorashada ee Golaha wakiilada. In ka badan laba jeerna waxay dib u dhigeen doorashadii Golaha wakiilada ee xilligaasi.

Doorashadii Golaha wakiiladu waxay ahayd mid ka duwan kuwii ka horreeyay, markaad eegto sidii shacabku ugu heellanaa iyo xamaasadii uu lahaa olalaheeguba. Taasina waxa marag ka ah, doorashadani waxay ahayd tii ay usoo baxeen codbixiyayaashii ugu badnaa oo ay tiradoodu kor u dhaaftay, 600,000 qof. Halka ay doorashadii Golaha Deegaanka ee ka horraysay ay usoo baxeen, 440,062 qof, tii madaxtooyaduna ahayd, 488,039 codbixiye.
Inkastooy guul ahayd in la is-afgarto lana qabto doorashadaasi, hadana saami-qaybsiga kuraasta Wakiiladu ee dadweynaha kala degan goballadu, waa caqabad aan wali xal loo helin, isla markaana ina hortaagan. Waxa si ku meel gaadh ah oo aan ku salaysnayn formula saamiyeed oo ka tarjumaysa tirada dadweynaha ku kala nool Gobol, loogu qeybiyay lixdii gobol ee distooriga ahaa. Taasi oo ay goballadu kuraastii Golaha Wakiilada Sidan loogu kala qoondeeyay:
Gobolka Tirada kuraasta
1. Maroodi jeex 20 kursi.
2. Awdal 13 Kursi.
3. Saaxil 10 kursi
4. Togdheer 15 kursi.
5. Sanaag 12 Kursi.
6. Sool 12 Kursi.
Saami-qaybintaasi ku dhisnayd mala-awaalka, ee waqtigaasi lagu hawl-galayna, may ahayn mid loogu talo-galay inay sii jirto. Balse waxay ahayd mid ku meel gaadh ah, sida ku cad, qodobka 11aad ee Xeerka Doorashada Golaha wakiilada, xeer lr 20-3/2006. Qodobkaasi oo dhigaya in saamiga kuraasta ee aynu xagga sare kusoo xusnay, yihiin kuwo ku koobnaa doorashadii hore. Halka doorashooyinka dambana la isla qaatay, in uu saamiga gobbaladu uu noqon doono, arrin si cilmiyaysan loo sameeyo, oo ku salaysan formula cad oo ku jaango’an xaqiiqada juqraafiyeed ee dalka ka jirta. Taasina illaa maanta, lama soo hadal qaadin, lamana gudo-gelin doodeedii, iyadoo waliba xilligan lagu wado inay doorashada golaha wakiilada iyo madaxtooyada oo isa-saaran la wada qabto.
Iyadoo aanu jirin tirikoob ama diiwaangalin rasmiya oo caddaynaysa tirada dadweynaha reer Somaliland ee ku kala nool gobollada, hadana xaqiiqada ah, in boqolkiiba lixdan (60%), codbixiyayaashii doorashadii Golaha wakiilada ee hore ay deganayaan Goballada Maroodijeex, Awdal iyo Saaxil, waxay ku tusaysaa sida ay cufnaanta tirada dadweynuhu ugu badan tahay Gobolladaasi. Walaw ay jiraan duruufo deegaan, jidad-xumo iyo xaalado amni oo xilligaasi la xusi karo, hadana arrimahaasi maaha kuwo loo wada aanayn karo tiro yaraanta codbixiyaashii deganaa goballada kale.

JANTUSJaantus1 : Tiradii codadka ee Gobollada JSL, doorashadii G/Wakiilada 2005
Markaad u fiirsato xog-doorasheedkaasi hore, waxa meesha kaaga soo baxaya, sida ay gobaladani, siiba Gobalka Maroodijeex oo ah kan ugu dadka badani ugu dulmanaa saamiqaybintii kuraasta Golaha Wakiilada. Labaatanka Kursi ee loo qoondeeyay Gobolkani ayaa noqday kuwii ay tiradii ugu badnayd ee Jamhuuriyadda Somaliland ku loolanto. Waxaanay tani keentay in tirada cod ee kursiga Maroodi-jeex legu helayaa, uu noqdo kii ugu sarreeyay. Tusaale ahaan, tiro ka yar codadka uu ku hadhay xildhibaanka gobolkani ayaa waxa ku soo baxay laba xildhibaan oo gobolada kale ah. Tanina, waxay ku tusaysaa caddaalad darrada ku habsatay gobolkani, oo ay ahayd in loo qoondeeyo kuraas u qalanta tirada dadweynaha ee ku nool.

Marka ay sidan wax u dhacaan, ee la yidhaahdo tusaale ahaan 50-ka cod ee Hargaysa ahi, waxay la mid noqanayaan 1 cod oo gobal kale ah, waxay tani meel kaga dhacaysaa mabaadii’dii caalamiga ah ee doorashooyinka. Kuwaasi oo dhigaya in uu rabitaanka codbixiyayaashu lahaado qiimo iyo miisaam is-leeg ( Elections should give each voter’s intentions equal weight). Haddii kale, waxa uu noqonayaa xaqii iyo xorriyaddii ka qayb-qaadashada Siyaasaddu mid aanay muwaadiniintu, u wada sinnayn, madaamo oo aanu codkoodu isku qiimaba ka taagnayn dalka.

Si la iskugu dheelitiro qiimaha, ay warqadda codbixinta ee gobal waliba leedahay, marka la dooranayo xildhibaan, waxa muhiim ah in la soo saaro kootada cod ee kursiga wakiiladu taagan yahay qaran ahaan (National quota for a seat). Kootadaasi oo noqon doonta hooseeyaha, wadarta guud ee codadka wakiilada. Tanina waxay suurtagal noqon kartaa marka laga duulayo tirakoob sugan. Somalilandna waxay samayn kartaa uun kootadaasi markay dhammaystirto diiwaangalinta madaniga ama tan codbixiyaha. Mana noqonayso, dalkii ugu horreeyay ee ku hawlgalay xog-diiwaangalineedyadaasi, balse sida Sida ku cad warbixin la sameey 2005-2006dii, waxa la ogaaday in 34% wadamadii la indha-indheeyay ay ku saleeyeen saami-qaysbiga kuraasta baarlamaanka ee Goballadooda tirada codbixiyaasha diiwaangashan. Halka waddanka Belarusna uu adeegsaday diiwaangalintii doorashooyinkii hore.

Shaki kuma jiro in saamiga kuraasta goballada ee lagu saleeyo xogta diiwaangalinta madaniga ah ama codbixiyayaashu, ay buuq dhalin karto, haddii aan kuraas-dheeri ah (add-on seats) lagu darin 82-ka kursi ee Wakiilada. Sababtoo ah, tani waxay keenaysaa inay gobollada qaar waayaan tiradii hore ay ugu haysteen Golaha. Halka kuwo kalena ay u kordhi doonto sida gobalka Maroodijeex. Waxa laga yaabaa inay dadka qaar ku doodaan in aanay xogta diiwaagalinta madaniga ama tan codbixiyuhuba lagu salayn Karin saamiga kuraasta ee goballada, maadaama oo aanay ahayn tirakoob. Dooddaasi ma noqon karto mid macquul ah, mar haddii aanay keenayn cabir ama halbeeg kale oo si isle’eg wax u kala siin kara dadweynaha gobollada Jamhuuriyadda ku kala nool. Tii hore ee muhmalka ahaydna ma shaqayn karto maanta, waayo waxay ku salaysnayd duudsiday xuquuqdii codbixyaal badan iyo siyaasiyiin badan oo ka soo jeeday gobalka Maroodijeex.
Si aanay hadaba dadweynaha ku nool Gobalka Maroodijeex ugu dhacmin doorashada Golaha Wakiilada ee Soo socota. Waxa muhiim ah inay si ballaadhan uga hawlgalaan sidii aanay labaatankaa kursi markale u kala cidhiidhsan. Halka ay kuwo kale si faalal ah ugu loolamayaan kootadooda. Waana in kursiga Maroodijeex noqon mid ku laba-laabma codka ay musharixiinta kale ku imanayaan Golaha Wakiilada.

Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul

Hargeysa/Somaliland.