Deg deg: waxaa dib loo dhigay kulankii Man City iyo West Ham ee Premier League ka tirsanaa.

0

(Arabsiyo sports news)-Kulan ka tirsana Horyaalka Ingiriiska Premier League, ee u dhaxeeyey kooxaha Manchester City iyo West Ham, ayaa lagu dhawaaqay in la baajiyey sababo la xariira cimiladda Garoonka Etihad Stadium, oo lagu balansana in lagu ciyaaro.

Qoraal lagu soo daabacay barta twitter ee kooxda Man city ayaa lagu sheegay in dib loo dhigay kulankii West Ham iyo Manchester City, ee tirsana kulamadda 26aad ee ciyaaraha Premier League.

“Sababo la xariira xaaladda cimiladda oo aad u korortay, waxaa la baajiyey iyaddo loo danaynayo shaqaalaha iyo Taageerayaasha kooxda kulankii u dhaxeeyey Man city iyo West Ham” ayaa lagu yiri qoraal la so dhigay Barta twitterka, ee Kooxda Manchester City.

 

            By: Abdiwali Bile Abdullahi