Lionel Messi, oo dhaleeceyn kala dul dhacay Agaasimaha ciyaaraha ee Kooxda Barcelona Eric Abidal.

0

Xiddiga Kooxda kubada cagta Barcelona Messi, ayaa eedeyn u jeediyey Agaasimaha
ciyaaraha ee Barcelona Abidal, oo dhawaan wareysi uu bixiyey ku sheegay in xiddigaha Kooxda Barca, aysan si wacan ula shaqeyn Tababarihii shaqadda laga diray ee Ernesto
Valverde. Macalinkii hore ee Barcelona Valverde, ayaa shaqadda Kooxda laga ceyriyey bishii
January ee sanandkan, Quique Setien, ayaana lagu badalay oo hadda ah hoggaamiyaha
oo Kooxda Blaugrana.

Agaasimaha sportska Kooxda Blaugrana Abidal, oo ay qolka labiska Barcelona,
waddaageen Messi, ayaa wareysi uu siiyey wargeyska Diario Sport ee fadhigiisu yahay
Spain, ayaa waxa uu ka hadlay xaaladda Kooxda Barcelona ee fasal ciyaareedkan, waxaa
uuna sheegay in Valverde, laga raacdeeyey shaqadda tababarnimo Blaugrana, Kooxda
oo shaxda kala sareynta Horyaalka Spain ku jirta booska sare.

32 sano jirka Kooxda Camp Nou Messi, ayaa mar uu ka warcelinaayey hadalka kaso
yeeray Abidal yiri “marka aad ka hadleyso ciyaaryahanadda, waa inaad magac xustaa oo
aad sheegta xiddigaha gabay shaqadda Kooxda sababtoo ah haddii aadan sidaas
samaynin waxaad bixineysa xog aan run ahayn”.

Abidal, ayaa yiri xiddigo badan oo Kooxda jooga ma qanacsanayn ama si adag uma
shaqeeyaan, waxaana jirta dhibaato dhanka xariirka gudaha ah. “ xariirka ka dhaxeeya
macalinka iyo qolka labiska had iyo jeer waxa uu ahaa mid wanagsan balse waxaa
muuqday arrimo ka ciyaaryahan hore ahaan aanan i farxad galin, wana la wadaagay
Kooxda, waxaan ku fekeraayey, go,aanna waan ka gaarnay”

Xiddiga lixda jeer ku guuleystay Abaalmarinta Ballon d’or Messi, ayaa qoraal usoo
dhigay bartiisa Instagram, ku yiri”xaqiiqdii, ma jaclaysan waxaa uu samayey Abidal
laakiin waxaan maleynayaa in qof walba shaqaddiisa uu mas,uul ka yahay iyo
go,aanadodda”

Sido kale Eric Abidal, Agaasimaha ciyaaraha ee Kooxda Blaugrana, ayaa
wareysigiisa ku sheegay in messi uu ku faraxsan yahay Kooxda iyo qandaraaska
cusub ee Kooxda Blaugrana, uu la galay.

W/Q: Abdiwali Bile Abdullahi

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here