“Felix, waxaa uu ku sugan yahay koox Qaldan iyo Macalin Qaldan” sidaas waxaa yiri Van der Vaart.

0

Qaab ciyaareedka Kooxda Atletico Madrid iyo ka hoos shaqeynta Tababare Diego Simeone, kuma haboona kubad sameeyaha da,da yar ee xulka qaranka Portugal joao felix, sida uu sheegay xiddigii hore ee Kooxda Real Madrid Rafael van der Vaart. Sidda uu yiri xiddigii hore ee Kooxda Real Madrid Rafael van der Vaart, Xiddiga Atletico Madrid Joao Felix, waa ciyaaryahan karti iyo hal abuur leh balse haatan waxa uu ku sugan yahay koox qaldan mar loo eego hanan ciyaareedka Kooxda iyo farsamadda uu adeegsado Tababaraha kooxdaas Diego Simeone.

Felix, ayaa dhawaan noqday xiddiga ugu qaalisan ciyaaryahanadda Qaranka Portugal u dhashay abid ka dib markii aduun lacageed dhan £113 million, ugu biiray Kooxda Atletico. 20 jirkan ayaa sido kale kuso baxay intii ku sugna Garoonka Kooxda Benfica Estadio da Luz, mid kamid ah xiddigaha da,da ee Yurub ugu wanagsan mar loo fiiriyo bandhigga kooxdiisa, waxa uu dhaliyey 19 gool 37 kulan oo uu u ciyaaray Kooxda Benfica Tartamadda oo idil.

Bandhigiis wanagsan iyo kubaddiisa ilqabadka leh, ayaa uu ku noqday Joao Felix, laacib dareen so jiidasho leh galiyey Kooxda ugu quwadda weyn Qaarad weynta Yurub sida Real Madrid, Manchester United, Bayern Munich iyo Paris Saint Germain, kuwaas oo mar qura suuqa u galay soo iibinta xiddiga balse Kooxda Spain ka dhisan ee Atletico, ayaa ku guuleysatay iney saxiixa xiddiga helan.

22 kulan oo laga dheelay horyaalka Spain ee La Liga Kooxda Atletico Madrid, ayaa jiifta booska lixaad (6), ee shaxda kala sareynta horyaalka dhan kale waxa lumay qaab ciyaareedkii wacna ee Felix, oo ay hareeyen dhaawacyo iyo in kursiga keyd looga soo tago. Taas oo ka dhigan in qaab ciyaareedka Kooxda iyo falsafadda Diego Simeone aysan ku habooneyn kubadda Joao Felix sida uu aaminsan yahay Van der Vaart oo u waramay Ziggo Sport.

Kualnkii ugu dambeyey Simeone, iyo wiilashiisa, ayaa guuldaro kaso haabtay Garoonka Santiago Bernabeu, kulanka Madrid derby, ciyaar kuso dhammaty 1-0, Felix ayaana dhaawac ku seegay kulankaas.

Van der Vaart, ayaana ku dhaleeceyey Simeone in uu ku guuldareystay inuu abuuro qaab ciyaareed uu la jaanqaadi karo Felix iyo hagaajinta nooc ciyaareedka kooxdiisa Atletico Madrid, oo haantan ku jirta kaalinta lixaad kala sareynta La Liga. Isagoona kula taliyey Joao Felix, in uusan dooran Wanda Metropolitano, si uu usii wado horumarinta xirfaddiisa ciyaareed.

 

              W/Q: Abdiwali Bile Abdullahi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here