Cristiano Ronaldo, oo samayey Record Cajiib ah ka dib labo gool oo uu ka dhaliyey Fiorentina.

0

Laacibka shanta jeer loo diwaan galiyey ku guuleysiga abaal marinta laacibka dunidda ee Cristiano Ronaldo, ayaa samaynaya Diwaano Taarikhda galay tan iyo Kuso biiritaankiisii kooxda Juventus sanadkii 2018. kulan ka tirsan hortaalka Talyaaniga Serie A, ayaa kooxda Juventus waxey la yeelatay kooxda Fiorentina ciyaar kuso dhammaatay 3-0.

Cristiano Ronaldo, ayaa labo gool oo gool ku laad ah u saxiixay Kooxdiisa Marwadda Duqa lagu naaneyso taas oo ka dhigan in Cristiano Ronaldo lixdii Kulan ee ugu dambeyey uu kooxdiisa Juventus u dhaliyey 10 gool.

Kooxda martida loo ahaa ee Juventus, ayaa la siiyay gool ku laad Qaybtii hore ee kulanka kubad gacanta lagu taabtay, Ronaldo ayaana Rigoorada tuuray oo gool u badalay. Rodrigo Bentancur ayaa qalad lagu galay diilinta ganaaxa dhexdeeda dhammaadka Qaybtii labaad ee ciyaarta Ronaldo, ayaana mar kale ugu faa,ideeyey kooxdiisa gool ku laadkaas. Matthijs de Ligt, ayaana gool madax ah kusoo gunaanaday bandhigii kulanka waqtiga dhimashada loo yaqaan.

Cristiano Ronaldo, ayaa u goolal dhaliyey kooxda Juventus sagaal kulan oo xariir ah ciyaaraha Serie A,da. Taas oo ka dhigan inuu noqday ciyaaryahankii ugu horeeyey oo kooxda goolal u dhaliya sagaal kulan oo isku xiga laga so bilaabo December 2005, oo uu recordkaas samayey David Trezeguet. Cristiano Ronaldo, ayaa sido kale Juventus u dhaliyey Kontan gool (50), Todobaatan kulan (70), oo uu saftay kooxda ilaa iyo sanadkii uu kuso biiray Juventus 2018.

Kooxda Marwadda Duqda ah, ayaana wali ku nagi kaalinta ugu koreysa horyaalka Talyaaniga, 54 dhibcood oo ay shaqeysteen  22 ciyaarood oo la ciyaaray, farqi lix dhibcood ah ayaana u dhaxeeya kooxda kuso xigta ee Inter Milan.

15 sano ka dib Cristiano Ronaldo, ayaa noqday xiddigi ugu horeeyey ee sagaal kulan oo xariir ah Juventus gool u dhaliya.

                                         W/D: Abdiwali Bile Abdullahi