Maamulka Wajaale oo Isku Duuban Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Ka Tacsiyadeeyay Geerida Ku Timid Hooyadii

0

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Wajaale(AN)Mamulka Dagmada Wajaale oo isku Duuban Kuna Hadlaya, magacooga, ka shaqalahooga iyo ka shacbiga Reer Wajaale, Waxay dhambaal tacsi ah u direen Guud ahaan Shacbiga Somaliland, Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Eheladii ay ka baxday Marxuumad indho-deeqa Jaamac Cumar oo ku geeriyootay

Maamulka Wajaale waxa ay si gaara uga tacsiyadaynayaan geerida Ku Timid Marxuumad indho-deeqa Jaamac Cumar Oo Ahayd Wasiirka-Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed hooyadii Kuna Geeriyootay Magalada Burco
Maamulka Wajaale waxa Ay Marxuumada Alle uga baryayaan inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin