Kooxda Man United ayaa ku jirta xaalad adag iyadoo dhawaan door tababare rasmi ah la siiyay Ole Gunnar Solskjaer oo dhamaadkii sanadkii hore badalay Jose Mourinho, balse waxaa jira warar isi soo taraya oo sheegaya iney xiddigaha qaarkood 25% weyn doonaan mushaarkooda hadii ay dhacdo hal arrin oo aan kooxda u wanaagsaneyn.
Red Devils ayaa tartan adag ugu jirta iney ku dhameysato afarta sare iyadoo saddex dhibcood u jirta booska afaraad oo ay ku jirto Spurs, balse waxey kooxda fadhisaa booska 6-aad.
Dhinaca kale waxey caawa la ciyaari doonaan Barcelona lugta hore wareega quarter final-ka, iyadoo saadaasha ugu badan ay tahay in kooxda reer England aysan tartanka kusii waari doonin, waana si la mid ah saadaashii laga bixiyay labadii kulan ee ay Paris Saint Germain la ciyaareen.
Wargeyska The Sun ayaa warinaya in maamulka Red Devils ay heshiis hoose la gaareen ciyaartoyda kooxda, waxeyna weyn doonaan 25% mushaarkooda hadii aysan kooxda usoo bixin koobka UEFA Champions League.
Sidoo kale heshiiska dhanka maaliyadaha ee ay la galeen Adidas waxaa la dhimi doonaa 30% hadii kooxda aysan laba sano oo xiriir ah tartanka yurub kasoo qeyb galin.
Cadaadis badan ayaa saaran Ole Gunnar, waxaana dhib badan laga mari karaa sida loo celiyo qaar ka mid ah xiddigaha kooxda ee dalabyada ka helaya kooxaha kale hadii aysan kooxda soo gaarin tartanka ugu xiisaha badan yurub.









