Maamulka iyo Howl-wadeenadda warbaahinta Shabakada Arabsiyonews.com waxay tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii, ehelkii, qaraabadii asxaabtii uu ka geriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Muxumed Xasan Budle oo ku geeriyooday magaalada Hargaysa
Marxuumka Muxumed Xasan Budle ayaa Saaka oo taariikhdu tahay 23/12/2017 Lagu Aasay Xabaalaha Dhanka Galbeed Magaalada Hargaysa
. Allaha Unaxariistee Marxuum Muxumed Xasan Budle ayaa Kamid ahaa Odayaashii dadaalka dheer usoo galay Hirgalinta Waxbarashada Dalka Gaar ahaan Degmada Arabsiyo ,isagoo Marxuumku hormuud ka ahaa Odayaashii xiligii 1991 Markii dalka dib loogu soo laabtay Bud dhigay Waxbarashada iyo kaabayaasha horumarineed ee Degmada Arabsiyo.
Inaalilaahi wa Inaa Ilayhi Raajucuun









