SIDEED UXULAN KARTAA MUSHARAXA AAD CODKAAGA SIINAYSO? W/Q Eng Axmed Maxamed Ciidle

0

Doorashooyinku waxay siiyaan dadka codaynaya fursado kala doorasho oo muhiim ah.Hadday tahay doorasho gole deegaan oo saamayn ku yeelanaysa nolosha bulshada deegaankaaga ama doorasho heer qaran taas oo badali karta jidka iiyo jihada wadanku socdo,isbadalkaas  oo noqon kara mid lamahadiyo oo barwaaqo iyo horumar horseeda ama mid la qoomameeyo oo burbur iyo dib udhac laga dhaxlo.

Haddaba muwaadin ama doorte waxay taagan tahay xiligaad tixgalin lahayd baahiyaha aad qabto doorana lahayd musharaxa hanan kara.
SIDEED ISKU BARBAR-DHIGI KARTAA MUSHARIXIINTA UNA XULAN  KARTAA MUSHARAXA AAD CODKAAGA SIINAYSO?
1) Ugu horayn go aami baahiyaha aad doonayso inuu wax ka qabto musharaxa aad codkaaga siin doontaa. Marka aad xulanaysid baahiyahan tixgali baahiyaha bulsho ee heer degmo, gobol iyo mida qaranee aad doonayso in xukuumada dhalan doontaa wax ka qabato.
Tusaale ahaan:
  • dhisida wadooyinka
  • kor uqaadida tayada waxbarashada
  • caafimaadka
  • biyaha
  • shaqo la aanta
  • tahriibka
  • qabyaalada I.W.M

2) Baadhis iyo akhrin ku samee taariikhda waxbarasho,hogaamineed, goaan qaadasho iyo mida khibradeed ee musharaxa.

3) Lasoco khudbadahooda iyo kulanada ololayaashooda si aad uqiimayso waxay soo jeedinayaan .
4)akhri barnaamijyadoooda waxqabad oo isku day inaad qiimayn karo inay fulin karaan oo ay awood uleeyihiin
5)Asxaaabtaada iyo dadka kale waydii musharaxa ay codkooga siinayaan iyo sababta ay ku doorteen. Waxaa suurto gal ah inay kuu sheegaan Baahi jirta oo kaa qarsoonaydinuu balan qaaday inuu wax ka qaban doono.
6) Isku day inaad garato mida beenta sheegaya.
Haddaad ku fikirto in mid ka mida musharixiintu uu been ka sheegaayo wuxuuu qabtay ama  qaban doono marnaba ha siin codkaaga
7) Daacadnimo, Dal jacayl iyo wadaniyad ma ka muuqataa mase yahay mid ma tali kara dalkaaga fagaarayaasha caalamka.
8) Keebaa inta badan aad iskaga mid tihiin baahiyaha aad doonaysid in wax laga qabto.
9) Midkee sameeyay ololihii doorasho ee ugu fiicnaa uguna turxaan yaraa?
10) Midkee sooo bandhigay aqoonta ugu badan inuu uleeyaha baahiyaha uu soo bandhigay?
11)midkee leh sifooyinka hogaamineed ee aad ddonayso?
12) Hadda waad kala xulan kartaa labada musharax ee danbeeyay(final) kadib qiimayntaad samaysay.GO’AAMI MIDKAAD UCADAYN DOONTO.
13) Tag goobta codbixinta adoo illaalinaya shuruucda goobta codbixinta si aad codkaaga ubixiso.
W/Q Eng ciidle mahamed ciidle