Marka suaashan laga jawaabayo, waxa muhiim in si xilkasnimo ku jirto looga jawaab celiyo
Waxaana lagamamaarmaan ah in jawaabta ay sal u ahaato arimo door ah oo muujin kara inay inna keentay ama ay inna kadday. Si hadaba jawaabta suaashan loo helo waa in la is waydiiyaa arimahan hoos ku qoran.
Wasiir Samsam Cabdi Aadam intii ay wasaaradda maaliyadda joogtay, ma jiraa hoos u dhac ku yimid dakhligii dalka soo gali jiray, markii ay joogeen labadii wasiir ee xukuumaddan ka mid ahaa; waa wasiir Cilmi iyo Samaalee?
Ma jiraa hoos u dhac ku yimid miisaaniyad sanadeedkii qaranka ee hore loo odorosi jiray?
Ma jiraa kor u kac ku yimid dakhliga iyo miisaaniyadii ay hore u odorosi jireen wasiiradii ka horeeyay iyada?.
Ma la arkey kharashaad u baxaya siyaalo aan sharcigu jidayn iyo kutagrifal hantida qaranka ah isla markaana markhaati cad loo hayo oo ay wasiiraddu si badheedh ah u isticmaasho?
Ma jiraan farsamooyin ama shuruuc wax ku ool ah oo hawlaha wasaaradda lafdhabar u ahaa oo la baabiiyay mudadii ay wasiirka ka ahayd wasaaradda Maaliyadda?
Ma jiraan farsamooyin wax ku ool ah isla markaana hawlgalay ahmiyadna u leh, hanaanka dakhli ururineed ee wasaaradda oo ay soo kordhisay mudadii ay wasiirka ka ahayd wasaaradda Maaliyada?
M tahay wasiirad Samsam qof ay u muuqato, ahmiyadda shuruucda u salka ah hanaanka maaliyadeed ee dalku inay dhamaystiranyihiin iyo in loo baahanyahay in la helo waxa loo yaqaan afka qalaad [National procedure for financial rules and regulations] kaasi oo ah sharciga iyo qanuunka maaliyadeed ee qaran?
Arimahaasi iyo suaalahaasi aan kor ku soo sheegay ayaa gundhig u noqonaya, jawaabta suaasha ah wasiirad Samsam miyay inna keentay mise way inna kadday
Sidaa darted, si aan suaashan jawaabteeda u hello iyadoo arimaha aan gundhigga uga dhigay laga duulayo, ayaa markii aan maqlay ama akhriyay websiteyo si indha la’aan ah wax uga qoraya amaan iyo cambaaraynba ayaan isku dayay inaan bulshada u soo bandhigo suaalahan kor ku xusan ee aan maqaalkayga ku bilaabay.
Boqolkiiba sagaashan dadkii aan suaalahan waydiiyay, waxay isku raaceen, 1- in dakhligu haatan ka badanyahay, intii soo xeroon jirtay mudadii ay joogeen wasiiradii iyadda ka horreeyay.
2- waxa la ii caddeeyay in miisaaniyad sanadeedka qaranku ay haatan ka badantahay intii ay hore u ahaan jirtay markii ay joogeen labadii wasiir ee iyada ka horeeyay.
3- waxa kale oo laga wada markhaati kacay in aanay ahayn qof hantida qaranka ku tagrifasha, isla markaana aanay ahayn qof hanta raadis ah balse ay tahay qof magic doon ah.
4- waxa boqolkiiba sagaashan la isku raacay, in mudadii ay wasiirka ahayd soo kordhisay, farsamooyin casri ah oo waxtar u leh dakhliga qaranka sida, hanaanka computrisedka ah ee ay dhawaan ka hirgalisay wasaaraddu baraha checkpointska ama kontaroolada ee magaalooyinka laga galo.
5- waxa kale oo la ii sheegay in ay ku dadaalayso daboolista baahiya sharci ee dhinaca maaliyadda inaga haysta, diyaarisayna khubaro isugu jira muwaadiniin waayo aragnimo u leh shuruucda maaliyadda iyo kuwo ajaanib ah oo dhinaca farsamooyinka ka caawiya khubaradaasi oo diyaarinaya [ national act for financial rules and regulations..
Waxaa kale la ii xaqiijiyay inaanay, wax badal ama baabiin ah oo ay ku samaysay, shuruuc waxtar le oohore loo soo jideeyay, inay wax xoojinaya keento mooyaane.
Jawaabahaas oo dhamaantood, dadkii aan waydiiyay sidaas togan uga jawaabeen. Waxay hal bacaad lagu lisay ka dhigayaan, guud ahaanba kuwa sida indha la’aanta wax uga sheegaya habsami u socodka wasiirad Samsam Abdi Aadam. Waxaanan jawaabtii saxda ahayd u helay wasiirad Samsam miyay ina keentay mise way ina kadday.
Waxaanan ku soo gunaanadayaa maqaalkaygan wasiiradda maaliyadda soomaliland, marwo Samsam Cabdi Aadam way inna keentay ilaahay cimrigeeda ha dheereeyee.
Badrudiin Maxamad Xassan
Badrudiinmire@gmail.com









