Madaxweynaha K/Waqooyi Kim Jong Un ayaa dhambaal tahniyad ah ka helay Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al Asad, taas oo uu ku bogaadiyey wax uu ku tilmaamay hogaaminta toosan ee ee Kuuriyada waqooyi ku socoto iyo taageerada ay siiyaan Dalkiisa suuriya.

Dhambaalkan tahniyada ah ayaa Bashaar Al asad waxa uu kaga jawaabayey bogaadintii uu Kim Jong Un, u soo diray dhowaan oo uu ugu taniyadaynayey doorashada Bashaar loo cimaamaday inuu sii ahaado Gudoomiyaha Xisbul-Bacsiga ee Suuriya.
Madaxweyne Bashaar ayaa ku ammaanay Madaxweynaha K/Waqooyi kaalinta uu ka qaato nabad ku soo dabaalida Dalka Suuriya iyo ilaalinta midnimada dhulkiisa.
Source XogtaDunida
Hussein Kurdi









