Antonio Conte ayaa shaxdiisa isbadal ku sameeyay wuxuuna doortay shaxda 3-4-2-1 isaga oo waliba kaydka ku nasiyay Eden Hazard iyo Diego Costa waxaana kulankan ku soo bilawday Ake oo Cahill badalay iyo Willian iyo Batshuayi oo Hazard iyo Costa booskooda buuxiyay.
DAQIIQADII 5 AAD GOOOOOOOOOL!! Chelsea ayaa markiiba hogaanka ciyaarta la wareegtay kadib markii Willian Borges da Silva si qurux badan u dhamaytiray kubbad laaga xorta ah oo uu ka tiiray cidhifka xerada ganaaxa Spurs wuxuuna goolhaye Hugo Lloris u diiday in uu sameeyo wax gool badbaadin ah isaga oo Willian ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Blues hogaanka ku qabtay bilawgii ciyaartaba.

Laakiin Tottenham ayaa markiiba bilawday in ay si xoogan uga dagaalanto goolka looga naxsaday waxayna Spurs markan noqotay kooxda laga filan karayay goolka barbaraha halka Chelsea ay isku waday qorshe ay natiijada ku ilaashanaysay iyo waliba mid kale oo ay ku doonaysya goolka labaad.
DAQIIQADII 18 AAD GOOOOOOOOOOOOOL!! Tottenham ayaa markeeda heshay goolka barbaraha kadib markii uu Harry Kane muujiyay sida uu u yahay gool dhaliye dhamaystiran wuxuuna gool madax ah ku dhaliyay kubbad uu caawinteeda sameeyay Christian Eriksen waxayna markan ciyaartu noqotay barbaro 1:1 ah.
Ciyaarta ayaa noqotay mid adag oo dhinac kasta laga filan karo goolka labaad laakiin Tottenham ayaa sii wadatay dardartii ay ku heshay goolka barbaraha balse Chelsea ayaa si adag iskaga ilaalinaysay in ay wax qalad kale ah u samayso Tottenham.
DAQIIQADII 42 AAD REKOODHE!! Chelsea ayaa heshay fursadii ugu fiicnayd ee ay markale ku heli kartay goolka labaad kadib markii uu Son Heung-min uu qalad xun ku galay Victor Moses oo xerada ganaaxa Spurs soo galay wuxuuna garsooruhu tilmaamay in Chelsea ay heshay gool ku laad.
DAQIIQADII 43 AAD GOOOOOOOOOOOL!! Willian Borges da Silva ayaa markale kooxdiisa u keenay goolka labaad kadib markii uu si degan u dhamaystiray rekoodhaha kooxdiisa lagu abaal mariyay wuxuuna jahada qaldan u diray Hugol Lloris wuxuuna markan Willain ciyaarta ka dhigay 2:1 ay Blues hogaanka ciyaarta ku soo ceshatay sidaa ayaana lagu kala nastay qaybtii hore ee ciyaarta.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Tottenham soo laabtay iyada oo dhaarsan isla markaana doonaysay in ay ciyaarta dib ugu soo laabto. Spurs ayaa si xoogan uga shaqaynaysay sidii ay markii labaad kula iman lahayd goolka barbaraha.
DAQIIQADII 52 AAD GOOOOOOOOOOOOOL!!! Alla Muxuu Dhamaystir Ahaa!! Tottenham ayaa heshay goolkeeda labaad ee ay ciyaarta ugu soo laabtay kadib markii uu Bamidele Alli si cajiib ah u dhamaystiray gool caawin layaableh oo uu ka helay Christian Eriksen kaas oo labada gool ee Spurs magiciisa ku qoray caawintooda wuxuuna Eriksen sameeyay nooc gool caawineed oo aan waqti badan la arkin kadib David Beckham, waxayna ciyaartu noqotay babraro 2:2 ah.

DAQIIQADII 61 AAD Antonio Conte ayaa baaq gar gaar u dirtay kursiga kadyka kooxdiisa wuxuuna u yeedhay Diego Costa iyo Eden Hazard markii ay ciyaartu noqotay mid sii adkaatay isla markaana la soo gaadhay waqtigii ugu muhiimsanaa waxaana ciyaarta laga saaray xidiga labada gool dhaliyey ee Willian Borges da Silva iyo Michy Batshuayi.
Laakiin wali ciyaarta ayaa sii ahayd mid adag oo ay koox kastaaba ka taxadarayso in goolka saddexaad laga dhaliyo waxayna Tottenham daqiiqadii 68 aad ciyaarta ka saaray Heung-Min Son oo aan ku jirin qaab ciyaareedkiisii layaabka lahaa waxaana kaydka looga yeedhay Kyle Walker.
DAQIIQADII 75 AAD GOOOOOOOOOOOOL!! Alla maxay ciyaar tahay, Chelsea ayaa markii saddexaad hogaanka ciyaarta la wareegtay waxaana markan saamayntii Wembley Stadium la soo galay Eden Hazard kaas oo Spurs ugu qubeeyay goolka saddexaad kadib markii ay ku fashilmeen in ay halista iska saaraan waxayna markan ciyaartu noqotay 3:2 ay Blues ku sii waday hogaan haynta ciyaarta, balse waxa lays waydiinayay haddii mar saddexaad Spurs awoodi karaan in ay ciayarta ku soo laabtaan.

daqiiqadd ka hor goolka Hazard waxaana ciyaarta soo galay Cesc Fabregas kaas oo lagu soo badalay Pedro Rodriguez oo baxay. Laakiin Hazard iyo Costa ayaa dardar cusub ku soo kordhiyay Chelsea waxayna markan Blues u muuqatay mid maauli karta ciyaarta.
DAQIIQADII 80 AAD GOOOOOOOOOOOOL!! Nemanja Matić kooxdiisa u xaqiijiyay booskooda finalka FA Cupka kadib markii uu u dhaliyay gool cajiib ah iyada oo markale Eden Hazard uu magiciisa ku qoray caawinta goolka isaga oo ka hor kubbad qurux badan ay soo wada ciyaareen Fabregas, laakiin Nemanja Matić ayaa kubbad uu lugta bidix
kaga soo tuuray me
el 25 yards u jirtay goolka Spurs si fiican ugu garaacay Hugo Lloris waxayna markan ciyaartu noqotay 4:2 ay Chelsea ku niyadjabiyay Spurs

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 4:2 ay Chelsea ku dubatay kooxda ay ay dariska yihiin ee Tottenham oo si adag ugu dagaalantay in ay Chelsea joojiso laakiin qorshihii uu Conte kulankan u soo dhigay ayaa noqday mid uu boqolkiiba boqol ku faa’iiday iyada oo nasintii Hazard iyo Costa ay ahayd waxa ugu fiican uu ciyaarta wax kaga badalay markii ay kooxdiisu u baahnayd.
Chelsea ayaa iska xaadirisay finalka Emirates FA Cupka waxayna ka war sugi doontaa kooxaha Manchester City iyo Arsneal midka kula soo midoobi doona Wembley Stadium ee finalka FA Cupka. Conte ayaa awooday in kooxdiisu ay ku sii riyooto ku guulaysiga labada koob ee Premier leaque-ga iyo FA Cupka.
arabsiyonews.com
abdillaahi ahmed muuse









