TALO KU SOCOTA MAAMULKA ARABSIYO W/Q :Siciid Ciise Ileeye

0

Dhaqanku ama dhaqmaadku waxuu badanka kasoo abuurma waxa bulsho kastaa caadeysato ama ku dhaqanto, ha noqdo mid dhaxaltooyo ama mid awood sharci ku hirgala, waxaase dhaqankaa qaabeeya oo kiise fiican hirgaliya, kiisa xuna tuura hadba xikumada ama maamulka markaa jira.
Waxaa taladaydu ku wajahan tahay dhaqanka hirgeley ee ah in KHUDRADA magaalada HABEEN MADOW iyo SUUQ MADOW lagu kala iibsado. Waxaa hubaal ah in dadkii dhaqankan lasoo barbaarey u arkaan wax caadiya laakiinse aaney ogeyn in uu yahay ka horrumarkii Beeraha iyo dadaalkii dadka beeralayda burburshey.
Waxaan dadweynaha magaalada iyo Gudoomiye Cabdilahi Cabdi Farax ka codsaneynaa iney badal ku sameeyaan arrintan, ayaga oo police iyo dadweyne arrintan kala shaqeeya la kaashanaya.
Markaan Arabsiyo joogey ayaa waxay igu yidhaahdeen habeenkii waxaa loo iibinayaa in loo diyaariyo in arroortii la qaado!. Taasi waa sheeko aad ijaban oo horeyba beeraha ayaa laga soo qaadi jirey arrorta hore ayada oo diyaara oo xaqlihii beerta lahaana iibinayo halka Oromo ama cidkale oo shaqaale ahi habeen iibinayaan.
Arrintani waa arrin maamulka magaalada Arabsiyo horyaal, lana eegi doono sidey u maareeyaan.
W/Q Siciid Ciise Ileeye