Chelsea ayaa guul raaxo leh Stamford Bridge kaga gaadhay kooxda ay dariska yihiin ee Brentford, waxayna Blues tikidhka u goosatay wareega shanaad ee FA Cupka kadib markii ay 4:0 ku shubtay shabaqa Brentford oo awoodi wayday in ay wax gool ah ku dhaliso Stamford Bridge.

DAQIIQADII 14 AAD GOOOOOOOL! Chelsea ayaa markiiba heshay goolkeeda furitaanka ay neefta ugu celisay kooxda martida u ahayd ee Bradford City oo laba sano ka hor Blues ka yaabsatay, waxaana gool laaga xorta ah Bues u saxiixay Willian Borges da Silva kaas oo kooxda Antonio Conte ka caawiyay in ay xili horeba maamulka ciyaarta la wareegto waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Chelsea hogaanka ciyaarta kula wareegtay.
DAQIIQADII 21 AAD GOOOOOOOOL! Chelsea ayaan waqti badan iskaga lumin ay la timaado goolka kalsoonida ee labaad waxaana markiisa shabaqa soo taabtay xidiga xili ciyaareedkan laga yaaban yahay ee Pedro Eliezer Rodríguez kaas oo goolkan ku dhaliyay kubbad uu caawinteeda sameeyay Michy Batshuayi, waxayna ciyaartu noqotay 2:0 ay Blues hogaanka ciyaarta ku dheeraysatay.

pedro 2-0
Chelsea ayaa abuurtay fursado tiro badan waxayna ahayd kooxda Stamford Bridge wax kasta ka samaysay iyada oo kooxda martida ahayd ee Brentford u diiday in ay madaxa sare u qaado. Antonio Conte ayay farxad u ahayd in uu arko xidigaha kaydka kooxdiisa waqtiga badan ku qaatay oo kulankan isku muujiyay iyo in aanu baahi wayn u qabin in uu halis iska galiyo xidigaha uu kulankan nasinayay. Waxayna qaybtii h–e ee ciyaartu ku dhamaatay 2:0 ay Chelsea gacanta sare ku lahayd.
Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay kooxda martida ahayd ee Brentford soo laabtay iyada oo dardar fiican ku socotay waxayna doonaysay sidii ay ciyaarta dib ugu soo laaban lahayd laakiin Bues ayaa iska ilaalisay fursado fiican oo ay Brentford abuurtay.

pedro 2-0
DAQIIQADII 69 AAD GOOOOOOOOOOOL! Chelsea ayaa ciyaarta hurdada ugu dirtay goolkeeda saddexaad waxayna heshay goolka u muuqday in si rasmi ah ay Chelsea ugu soo gudubtay wareega xiga ee FA Cupka kadib markii uu Blues goolkan u saxiixay xidiga xili ciyaareedkan la ilaaway ee Branislav Ivanović kaas oo gool caawin ka helay Pedro, waxayna ciyaartu noqotay 3:0 ay Blues ku dubanayso kooxda martida u ahayd ee Brentford.
DAQIIQADII 80 AAD REKOODHE! Ivanovic ayaa saamayn wayn ciyaarta ku yeeshay wuxuuna sabab u noqday in kooxdiisa rekoodhe lagu abaal mariyo kadib markii uu kubbada ka helay Costa isla markaana uu difaaca Brentford uu qalad ayna baahi u ahayn ku galay wuxuuna garsooruhu tilmaanay gool ku laad.
DAQIIQADII 81 AAD GOOOOOOOOL! Michy Batshuayi ayaa kubbada qaatay wuxuuna si fiican u dhamaystiray rekoodhaha kooxdiisa lagu abaal mariyay isaga oo ciyaartana ka dhigay 4:0 ay Chelsea ku xasuuqayso kooxda Brentford ee martida u ahayd Blues.
Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 4:0 ay Chelsea ku gumaday kooxda ay galbeedka London ka wada dhisan yihiin ee Brentford waxayna kooxda Antonio Conte u soo baxday wareega shanaad ee FA Cupka. Chelsea ayaa halkeeda ka sii wadatay qaab ciyaareedkeedii fiicanaa ee premier Leaque-ga.









